4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2013
Arday Soomaali ah oo Abaal-marin lagu guddoonsiiyay Magaalada Melbourne ee dalka Australia


Arbaco, 25 December 2013(HOL)—Bishan oo kale December  Sanadwalba  waxaa iskuullada loo xiraa ardada wax ka barata dugsiyada dalkan Australia, waana xilliga la galo fasaxyada dheer ee xagaayga.
Ardayda dhigata iskuullada hoose dhexe, sare, iyo jaamacadaha ayaa kaddib markii iskuulada loo xiro loo sameeyaa munaasbado lagu guddoonsiinayo abaalmarino ay muteysteen muddadii  sanadka ahayd ee ay tacliinta soo wadeen, iyagoo qaarkood u kala gudba dugsiyada sarre halka kuwa kalena ay u gudbaan jaamacadaha dalka.

 

 Ismahaan Cabdulqaadir ayaa ka mid noqotay ardyda sanadkan nasiibka u yeelatay iney hesho abaalmarinta loo yaqaano ACADEMIC AWARD oo lasiiyo ardada ugu dadaalka badan iskuulka. Tirada Soomaalida heshay abaalmarinta noocaan ah ayay ahaayeen labo gabdhood oo Ismahaan ay ku jirto.

 

Ismahaan oo aad u faraxsan ayaa HOL u sheegtay in abaalmarin sanadkan ay heleyso sidoo kale dad badan oo munaasabadda isugu yimid ayaa iyana la arkayey sida ay ugu faraxsanaayeen Soomaalida oo ka soo dhex muuqata bulshada ay la nool yihiin. Ismahaan waxa ay sanadka soo socda ay u gudbeysaa dugsiga sare, iyadoo fasalka  ugu dambeeyay ee dugsiga dhexe minka ay dhameysay,laguna sagootiyey abaalmarin qaali ah

 

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO KALE


Dalka Australia ayaa ka duwan dalaka reer galbeedka marka ay timaado xagga xiritaanka iskuullada ,waxaana xusid mudan in iskoollada xilliga xagaaga la xiro bilaha JUNE ilaa September, halka dalka Australia uu xilliga xagaayga ama Kuleylaha u jiro inta u dhaxeysa bilaha November illaa March.

 

Magaalada Melbourne waa magaalada ugu soomaalida badan dalka Australia, waxayna  halkan ay ku hasytaan shaqooyin, waxbarasho iyo ganacsi intaba.


 

Ibrahim Omar Baafo, Hiiraan Online, Melbourne

[email protected]

Melbourne, Australia