4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2013
JENERAAL SICIID DHEERE: "Waa in si Wadajir ah looga qayb-qaataa sugidda Ammaanka Puntland Xilliga Doorashada"

Arbaco, December 25, 2013 (HOL) —Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland, ahna guddoomiyaha guddiga loo xil saaray sugidda ammaanka Puntland xilliga doorashada, ayaa ka warbixiyey sida ay howshoodu u socoto iyo weliba dhacdooyin dhowr ah oo todobaadkan magaalada Garoowe ka dhacay.

Jen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa sheegay in laga bilaabo maalinta berri ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 26-da bisha December ee sanadka 2013 uu bilaabmayo wejiga labaad ee howsha Guddiga Ammaanka ee isagu uu guddoomiyaha u yahay.

Waxyaabaha uu Jen. Siciid Dheere soo hadal qaaday waxaa kamid ahaa dhacdooyin dhowr ah oo magaalada Garoowe ka dhacay, kuwaasoo ay kamid ahaayeen rasaas ciidamo ka tirsan kuwa dowladdu ay ku rideen gaari uu lahaa Murashax C/daahir Yey iyo weliba guriga Murashax Cali Xaaji Warsame.

Dhacdooyinkaas ayuu Taliyuhu sheegay in ay baarayaan, islamarkaana wixii natiijo ah ee kasoo baxa ay maalmaha soo aadan warbaahinta usoo bandhigi doonaan, dhinaca kale wuxuu ka hadlay kulan yeesheen Guddiga Amniga iyo Murashaxiinta, isagoo sheegay in kulankaas laysku afgartay.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay ciidamada qalabka sida iyo dhamaman shacabka Puntland in ay si wadajir ah uga qayb qaataan sugidda ammaanka Puntland iyo weliba sidii ay doorashada madaxtinimadu ugu dhici lahayd jewi nabdoon.

Magaalada Garoowe waxaa xilligan ku sugan inta badan murashaxiinta u tartamaya xilalka madaxweynaha iyo weliba madaxweyne ku-xigeenka; isimadda iyo madaxda dhaqanka iyo weliba xildhibaanada ay beeluhu usoo xuleen in ay kamid noqdaan baarlamaanka cusub ee Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya