4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2013
Murashaxiinta Puntland oo aqbalay Guddigii Xallinta Khilaafaadka ee uu soo Magacabay Madaxweyne C/raxmaan Faroole

Arbaco, December 25, 2013 (HOL) —
Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee Puntland, ayaa aqblay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta ee bishan December 3-deedii uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Mid kamid ah murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha , ayaa Hiiraan Online u xaqiijiyey in murashaxiintu ay isku raaceen in ay aqblaan guddiga uu Madaxweyne Faroole soo magacaabay.

Murashaxiinta ayaa horay u qaadacay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta, kaddib markii ay sheegeen in aysan sharci ahayn in Madaxweyne Faroole - oo isaguba murashax ahi- uu guddigaas keligiis soo magacaabo.

Maalmihii u dambeeyey waxaa magaalada Garoowe ka socdey dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadeen isimadda Puntland, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kaddib markii ay murashaxiinta iyo Madaxweynuhu ku kala kaceen kulan ay Garoowe ku yeesheen kaasoo ay ujeedadiisu ahayd sidii arrintan xal looga gaari lahaa.

Maanta ayaa lagu waday in murashaxiintu ay magaalada Garoowe ku qabtaan shir-jaraa'id oo ay ku shaacinayaan go'aankooda ku aaddan arrintan, wuxuuse baaqday kaddib markii gacan-ka-hadal muddo kooban socdey uu dhex maray mid kamid ah ilaalada murashaxiinta iyo labo kamid ah weriyeyaasha ka howlgala magaalada Garoowe.

Go'aanka murashaxiinta ayaa yimid kaddib muddo todobaadyo ah oo khilaaf arrintaas ka dhashay uu ka dhex aloosnaa murashaxiinta iyo xukuumadda talada haysa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya