4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2013
JAWAARI: “Xukuumadda cusub waxaa looga fadhiyaa inay abuurto Mashaariic fara badan si Shaqo la’aanta looga baxo”


Arbaco, December 25, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in xukuumadda cusub looga fadhiyo inay abuurto mashaariic fara badan si dhallintu ay uga baxaan shaqo la’aanta haysata.

Jawaari ayaa sheegay in horumarkiisa dalka ay tahay in si wadajir ah looga wada-shaqeeyo, wuxuuna si gaar ah carrabka ugu dhuftay adkeynta amniga oo uu sheegay inay fure u tahay horumar ay Soomaaliya ku tallaabsado 22-sano oo colaado iyo fowdo ah kaddib.

“Xukuumadda cusub waxaa looga fadhiyaa inay abuurto mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ay hogaaminayaan dadweynaha Soomaaliyeed, si shaqo la’aanta haysta dhallinyarada looga baxo,” ayuu yiri Jawaari oo xusay in tani ay ku xiran tahay hadba sida ay xukuumaddu howlaheeda u waajahdo.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa tilmaamay in qaranka aan lagu dhisi karin qabiil, waxaana uu ummadda Soomaaliyeed ku boorriyay in ay u istaagaan dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

“Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa iyagana inay hay’adaha ammaanka kala shaqeeyaan sidii amniga loo adkeyn lahaa, iyadoo laga soo billaabayo heer degmooyinka iyo heer gobollada lana gaarsiiyo illaa heer Qaran,” ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Somalia yiri mar kale.

Dhinaca kale, Jawaari ayaa sheegay in sharciga ama maqaamka ay Muqdisho yeelanayso laga howlgali doono xilliga dib u eegista lagu sameynayo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in xilliaas uu ku beegan yahay sannadka soo socda ee 2014-ka.

“Baarlamaanka federaalka Soomaaliya waa golaha sharci dajinta dalka, wuxuuna dar-dar-gelinayaa dhammaan sharuucda dalka si ummaddu ay u hesho waaya-aragnimo ku dhisan Qaran, iyadoo uu barlamaanka hadda uu wado olole lagu dhageysanayo guuxa dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Muqdisho,” ayuu ku daray Jawaari hadalkiisa.

Ugu dambehyn, afhayeenku wuxuu hoosta ka xariiqay in sannadka soo aaddan loo gudbi doono gobollada dalka si shacabka ku nool iyagana loo dhageysto markooda firkadaha ay qabaan, si dalkan dowladnimo uu ku gaaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya