4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2013
Dagaallo Ciidammada Dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Degmada Garbahaarey

Arbaco, December 25, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaallo xalay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ku dhexmaray xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidammo dowladda Soomaaliya oo ay taageerayeen kuwa Itoobiya.

Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhig ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen duleedka degmadaas, iyadoo saraakiil u hadlay ciidamada dowladda ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkaas.

Intaa kaddib ayay xoogaga Al-shabaab waxay weerareen ciidammo Somali iyo Itoobiyaan isugu jiray oo ka yimid degmada  Baladxaawo kuna socday degmada Garbahaarey, iyadoo halkaasna uu ka dhacay dagaal culus.

Saraakiishii hoggaaminayay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay kala eryeen xoogaggii Al-shabaab ayna safarkooda sii wateen isla xalay, inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin dagaalladaas.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Garbahaarey ayaa sheegay inaysn jirin wax saameyn ah oo ay dagaalladaas ku yeesheen xalay, balse ay maqleen rasaasta ay dhinacyadu is-dhaafsanayeen.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Itoobiya iyo kuwa ka socda dowladda Kenya oo qayb ka ah AMISOM ayaa gacanta ku haya inta badan degmooyinka goboolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, inkastoo laba degmo oo ka mid ah ay weli gacanta ugu jiraan Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa weerarradeeda u bedeshay kuwo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah, kuwaasoo ay si gaar ah ugu bartilmaameedsanayso ciidamada isaga gudbaya gobollada ay ku sugan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya