4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Xildhibaannada Baarlamanka oo diiday Mooshin lagu dalbanayay in is-bedel lagu sameeyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Xildhibaanada barlamaanka Somalia ayaa maanta cod u qaaday mooshin ujeedkiisu ahaa in isbedel lagu sameeyo guddoomiyaasha guddi hoosaadyada baarlamaanka sannadkiiba mar, iyadoo xildhibaannadu intooda badan ay diideen inuu mooshinkan dhaqan-gelo.

Markii kulanka baarlamaanku uu furay ayaa waxaa khudbadahooda jeediyay afar mudane oo ka haray xildhibaannadii shalay khudbada jeediyay iyadoo markaas kaddibna mooshinka cod la geliyay.

“Tirada xildhibaannada fadhiyay waxay ahaayeen 143 xildhibaan, 10 xildhibaannada ayaan codkooda dhiiban, waxaana in mooshinkaan lagu kordhiyo xeer hoosaadka baarlamaanka ogolaatay 21-xidhibaan, waxaa diidday 88-xildhibaan, waxaa ka aamusay 24-xildhibaan, sidaa daraadeed sida uu qabo qodobka 84-aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka mooshinka ma ahan mid ansax ah,” ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) oo ku dhawaaqay natiijada codeynta xildhibaannada.

Mooshinkan ayaa waxaa soo gudbiyay dhowr iyo toban mudane kuwaasoo ku dalbaday in xilka guddoomiyeyaasha guddi hoosaadyada baarlamaanka ay noqdaan kuwo wareegto ah oo sannad walba ay qabtaan xubno cusub.

Berri oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in xildhibaanadu ka doodaan habka nidaamka axsaabta dalka oo guddoonka baarlamaanka kal hore u iclaamiyay in nidaamka axsaabta laga dooni doono si sannadka 2016-ka dalka laga hir-geliyo doorasho xor ah oo ay ka qayb-qaataan axsaabyo siyaasadeed.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtidii lasoo dhaafay codka kalsoonida ah siiyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo bartamihii bishan uu soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya