4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Shilalka Baabuurta oo ku soo badanaya Muqdisho iyo Shilal Fool xun oo ka dhacay Waddooyinka Caasimadda Qaarkood (SAWIRRO)


 Waddada hor-marta Hoteelkii Jubba oo uu gaari ku jiiray wiil da'diisa lagu qiyaasay 10-jir


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Wiil yar oo 10-jir ah ayaa dhintay kaddib markii uu jiiray gaari yar maalintii Axadda ahayd ee aynu soo dhaafnay, iyadoo shan baabuur oo kalena ay mar qura iskula dhaceen isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ilaalada waddooyinka Muqdisho ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigeen gaarigii dilay wiilka yar iyo darawalkii waday, waxaana shilkan uu ka dhacay afaafka hore ee hoteelkii Jubba ee Muqdisho.

Hiiraan Online (HOL) ayaa waxaa u suuro-gashay inay la kulanto shilalkan ka dhacay Muqdisho , iyadoo shanta gaari oo iskula dhacay jidka Maka Al-Mukarama aysan geysan wax khasaare nafeed ah.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay HOL in shilka shanta gaari ay uu mar qura dhacay, iyadoo gaadiidkan ay isugu jireen kuwo doonayay inay waddada ka leexdaan iyo kuwo si toos ah u marayay jidka dheer ee Maka Al-mukarama iyo isguyska wadada Dabka


Isgoyska Dabka ee Waddada Maka Al-Mukarama ee uu ka dhacay shil aad u foolxun


Inkastoo aysan noo suuro-gelin inaan warbixin ku saabsan shanta gaari ee marka keliya isku dhacay aan ka helno taliska ilaalada waddooyhinka ayaa haddana waxay ka mid yihiin shilalka maalmahan dambe caasimadda uga dhacayay sida is-daba-joogga ah.

Shilalka gaadiidka ayaa loo aaneynayaa iyadoo darawallada gaadiidka aysan lahayn khibrad ku filan oo dhinaca wadista gaadiidka ah iyo waddooyinka oo dhawaan ay shirkadaha Turkigu ku sameeyeen dayactir.

Baabuurta xilligan lagu kexeysto Muqdisho ayaa waxaa 80% ay yihiin kuwo aan waafaqsan sharciga marista waddooyinka Muqdisho, iyadoo gaadiidkan ay isteerinka ama shukaanta ku leeyihiin dhinaca midig, halka waddooyinka Muqdisho loogu talo-galay gaadiidka isteerinka ku leh dhinaca bidixda ah.

Taliyaha ciidamada waddooyinka ayaa dhawaan u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta in sababta ugu badan ee shilalka gaadiidka keenta ay tahay iyadoo wadayaasha ama darawallada gaadiidka kexeeya aysan haysan rusqadaha looga baahan yahay ee wadista gaadiidka (Diver License) iyo darawallada oo aan lahahn khibrad dhinaca gaadiid kexeynta ah oo ku filan.

Dhawaan ayay ahayd markii nalalka samaaraha ah ee la sugay jidka Maka Al-Mukarama, gaar ahaan meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya oo si lama filaan ah u bixiyay amarro qaldan ay keeneen inay isku dhacaan dhowr gaari, iyadoo shilalkaas ay ku dhaawacmeen afar qof oo shacab ah.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku socda dayactirro markii ugu horreysay muddo 22-sano ah lagu sameynayo, kuwaasoo ay wadaan shirkado Turkish ah, waxaana taasi ay keentay in wadayaasha gaadiidka oo aan khibrado badan lahayn ay si xowli ah ku wadaan baabuurta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya