4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Wasiika Gaashaandhigga Somalia oo sheegay inay kala qaadeen Ciidamadii ku dagaalamay Gobolka Shabeellada Hoose


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Wasiirka difaaca xukuumaddii hore ee Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wafdi uu hoggaamiyo oo ku sugan degmada Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay kala qaadeen ciidankii ku dagaalamay bishan bartankeedii deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Fiqi ayaa sheegay in ciidamadaas ay kala geeyeen laba goobood oo si KMG ah ay ugu sugnaan doonaan, inta ay ka geynayaan xerooyin tababarro kala duwan lagu siinayo.

“Ujeeddadeennu waa inaan ciidamadan geyno xerooyin lagu tababar laguna siiyo wacyi-gelinno kala duwan, markii ay maskax ahaan noqdaan kuwo aad u wanaagsanna aan qarameynno oo ciidammada lagu daro,” ayuu yiri Fiqi oo ka hadlayay howlaha ay u joogaan gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale, wasiirka oo u warramayay Raadiyo Muqdisho oo afka dowaldda Soomaaliya ku hadla ayaa sheegay ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose ay ahaayeen kuwo u dhexeeyay beelo, taasoo keentay in dowladdu ay u soo dirto gobolka wafdi ballaaran oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo oday-dhaqmeedyo si xal looga gaaro dagaallada beelaha ee soo laalaabtay.

“Runtii shacabka ku nool gobolka Shabeellada Hoose kalsoonidii ayaa kusoo laabatay, kulammo ayaana la qaadanay qaybaha bulshada, waxaana amar ku bixinnay in la keeno ciidammo booliis iyo nabadsugid ah si ay amniga u sii xoojiyaan,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo la weydiiyay sababta dhabta ah ee keentay inay dagaallo dhowr maalmood qaatay ay ka dhacaan gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in dagaallo beeleedyadan soo noqnoqday ay wadaan shaqsiyaad gaar ah oo nabadda kasoo horjeeda, dowladduna ay gacan bir ah ku qaban doonto.

Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay inuu kulammo la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose iyo kuwa AMISOM uuna kala hadlay sidii ay deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolkaas uga saari lahaayeen.

Isku soo wada-duuboo, dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay salfadeen nolosha dad fara badan; iyadoo ay sidoo kalena ay ku baaba’een xoolo ay dhaqanayeen dadkii reer miyiga ahaa ee deegaannada lagu dagaalamay ku noolaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya