4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay oo ka hadlay Doorashooyinka soo socda ee Puntland


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — War-saxaafaded kasoo baxay xafiiska Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka kusoo fool leh Puntland.

Danjiraha ayaa ku sheegay qoraalkiisa in hannaanka loo marayo doorashada uu noqdo mid cad iyadoona la muddeeyay, wuxuuna hadalkiisa raaciyay in baahida loo qabo xulidda xildhihbaannada barlamaanka cusub iyo sidoo kale qabsoomidda doorashada dhacaysa 08-da Jannaayo 2014-ka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in muuqaalka dhow ee doorashada ka muuqanaya ay tahay mid sii murjinaya xaaladda la taagan yahay, isagoo ka codsaday musharraxiinta, dadka taladu ka go'do, odayaasha iyo isimada in si wadajir ah ay uga wada-shaqeyaan sidii looga gudbi lahaa waqtiga adag ee lagu jiro.

“Iyadoo ay wakhtigii doorashooyinku soo dhowaadeen, doodda siyaasaddana noqotay mid sii kululaatay, waxaan ugu yeerayaa dhammaan musharraxiinta iyo inta daneysa Puntland, gaar ahaan odayaasha dhaqanka inay si wadajir ah u shaqeeyaan diyaarna u noqdaan mararka qaar inay isku tanaasulaan,' ayuu danjire Kay ku yiri qoraalkiisa.

Mr. Nicholas Kay wuxuu u jeediyay musharraxiinta u tartamaya madaxtinimada Puntland iyo odayaasha dhaqanka inay kawada shaqeeyaan sidii ay ugu diyaar-garoobi lahaayeen doorashada ayna isku tanaasulaan.

Qoraalka oo sii socda ayaa wuxuu ergaygu ku sheegay inay muhiim tahay xaqiijinta ammaanka musharraxiinta, inay si xor ah u sameeysan karaan ololahooda doorashada, ayna si siman u isticmaali karaan warbaahinta.

‘'Musharraxiintu waa inay xoriyad u helaan soc-socodka, qabsashada shirar iyo weliba in la sugo amaankooda, waana in si siman warbaahinta looga hadli karo,'' ayuu mar kale yiri dajire Kay.

Ergayga ayaa ku booriyay musharaxiinta inay la shaqeeyaan taliyaha ciidammada Puntland, Jen. Siciid Dheere oo ah mas’uulka ugu sarreeya guddiga ammaanka. Wakiilku ayaa ugu baaqay musharraxiinta in ololahooda doorashadu noqdo mid mas’uuliyadi ay ku dheehan tahay si looga gun-gaaro doorashooyin si nabad ah ku dhaca.

Ugu dambeyn, Nicholas Kay ayaa sheegay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu gacan ka geystay dhexdhexaadinta iyo dadaallada wada-xaajoodka, isagoo rajo ka muujiyay in dhammaan musharraxiintu ay diyaar u noqdaan qabsoomidda doorasho xalaal ah oo si nabadgalyo ah ku dhacda.

“Si dhow ayaan ula socon doonnaa sida ay wax uga dhacayaan Puntland, waxaana sameyn doonnaa dadaal kasta oo uu ku taageerayno sidii ay uga dhici lahayd Puntland doorasho nabad ku dhammaata,” ayuu hadalkiisa ku soo gabgabeeyay danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadyda soo socda ay ka dhacdo Puntland doorashada madaxnimo, taasoo ay ku tartamayaan tiro murashaxiin ah oo uu ku jiro madaxweynaha talada dalkaas haya mudane, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya