4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay inay Muwaadiniinteeda kasoo saarayso Magaalooyinka Dalka Koonfurta Suudaan


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay markii ugu horreysay inay doonayso inay muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku nool gobollada ay dagaalladu ka socdaan ee dalka Koonfurta Suudaan ka soo saarto halkaas.

Xoghayaha safaaradda Soomaaliya ee dalkaas, Shaafici Nuur Calas ayaa u sheegay BBC-da maanta in howshan ay socoto ayna la kaashanayaan qaar ka mid ah hay’adaha samafalka Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Qorshaheenna hadda waa inaan meelaha ay dhibaatadu ka jirto sida Bor iyo magaalooyinka kale ee dagaalladu ka socdaan aan kasoo saarno Soomaalida ku sugan, waxaana socda inaan helno hab aan uga soo saarno, maadaama ay xaaladdu hadda u muuqato inay isbedelayso,” ayuu yiri Shaafici.

Sidoo kale, xoghayuhu wuxuu sheegay inay wadaan diinwaangelinta dadka kale ee Soomaalida ah ee ku sugan magaalada Jubba ee ay aqoonyasiyadii ay uga lumeen dagaallada ama aan horayba u haysan ee doonaya inay dib ugu laabtaan dalkooda aan u sameynno warqado u fududeynaya inay kaga baxaan dalkaas oo ay Soomaaliya ugu laabtaan.

Mar la weydiiyay habka ay doonayaan inay Soomaalida ku xayiran xerada UN-ku ay ku leedahay gobolka Jonglei gaar ahaan Bor oo u ah magaalo-madax ay uga soo saaraan, ayaa sheegay in arrintan aysan iyaga oo keliya ku jirin, balse ay wax ka waddo dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaana jirto rajo ah inaan kasoo daad-gureyno dadkaas magaalada Bor oo ay dhibaato xooggan ku haysato.

“Saraakiisha Qaramada Midoobay ee ku sugan Bor waxay noo sheegeen in laga yaabo in ciidda Kirismiska kaddib ay howlahooda caadi u billowdaan, ayna tegi doonaan halkaas diyaarado, kuwaas ayaana doonaynaa inaan ku soo daad-gureyno Soomaalida xeryaha Qaramada Midoobay ku jira,” ayuu hadalkiisa raaciyay xoghayaha.

Waxaa la weydiiyay su’aal kale oo ahayd tirada rasmiga ah ee Soomaalida ku xaryiran xerayaha Qaramada Midoobay ee Bor ku yaalla, isagoo sheegay inay gaarayaan 128-qof. Isagoo xusay inay xaaladoodda aad u liidato oo ay ku yaraadeen biyaha iyo cunnada, inta badanna waan xiriirnaa.

Magaalada Bor ee xarunta gobolka Jagolei ayaa waxaa toddobaadkii hore ku qabsaday dagaal xoogag mucaarad ah oo taageersan madaxweynihii hore ee dalkaas Riek Machar, iyadoo dowladda Suudaan ay sheegtay inay doonayso inay weerarto magaaladaas si ay gacanteeda ugu soo celiso.

Dhanka kale, xoghayaha ayaa sheegay inaysan jirin jid lagu gaari karay halkii toddobaad ee ay rabshaduhu ka jireen magaaladaas iyo kuwa ku dhow oo aysan jirin dowlad dadkeeda kala baxday, balse hadda ayuu sheegay inay muuqato rajo wanaagsan oo dadka looga saari karo halkaas, iyaguna ay ku rajo-weyn yihiin inay ka faa’iideystaan.

Su’aal kale oo ahayd in Soomaalida ku nool Koonfur Suudaan keliya aysan joojin magaalooyinka Jubba iyo Bor, balse ay jiraan kuwo kale oo sidoo kale ku xayiran magaalooyin ay ka mid yihiin Waw iyo Yey, waa maxay qorshaha aad doonaysaa inaad halkaas uga soo saartaan?

Isagoo ku jawaabay: “Waxaa jira magaalooyin badan oo rabshado ay hadda ka socdaan oo Soomaali badan ay ku xayiran yihiin oo qaarkood dhaawacyo loo geystay oo aan lasoo qaadin, waxaana wadnaa qorshayaashii aan gabi ahaan goobahaas uga soo saari lahayn.”

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Soomaalida hanti badan laga dhacay balse lacagihii ay haysteen ay bangiyo caalami ah ku shubteen, Magaalada Jubba xaaladdeedu waa wanaagsan tahay oo Soomaalida hantidooda ma jiaan wax dhac ah oo loo geystay, wuxuuna xusay in Soomaalida ay kula taliyaan inay ku sugnaayeen xerada UN-ku ay halkaas ku leeyihiin oo aysan dibadda u soo bixin inta laga soo saarayo.

Dalka Koofurta Suudaan ayaa waxaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ka socda dagaallo u dhexeeya ciidamada dalkaas oo hab qabiil u abaabulan, iyadoo ay jiraan Soomaali lagu dilay dagaalladaas oo tiradooda lagu sheegay lix qof illaa hadda, kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya