4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Waxaa is-bar-bar yaalla in Dalkaan ay Al-Qaacida la wareegto ama aan ka adkaanno


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya inay dardar-geliyaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay in ay khatar ku tahay ammaanka guud ee dalka iyo jiritaanka dowaldda.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay wasaarada gaashaandhigga oo uu shalay booqday halkaasoo uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

“Cid kasta oo dowladnimada khatar ku ah waa cadow, waana inaan dagaal adag la galno, waana inaan la jaan-qaadnaa wajiga cusub ee dalku galay,” ayuu yiri madaxweynaha Xasan Sheekh oo intaas ku daray inaysan marna ka laaba-labeynayn inay Al-shabaab ka cirib-tiraan dalka oo dhan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaas ku daray in Xarakada Al-shabaab iyo Al-Qaacida oo iskaashanaya ay weli shirqoolo waaweyn la damacsan yihiin shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in laga hor-tago.

“Waxaa is-barbar yaalla in dalkan ay Al-Qaacida la wareegto ama aan awood ahaan ka adkaan oo aan tirtirno. dalkan ma wada joogi karno annaga iyo Al-shabaab. Marka waxaa nalaga doonayaa inaan ku dadaalno sidii aan meesha uga saari lahayd cadowga wajiyada badan leh iyo weliba kuwa niyad ahaan taageersan ama kuwa taageerada u fidinaya,”  ayuu madaxweynuhu mar kale yiri.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay isaga baxeen Muqdisho laba sano ka hor waxay billaabeen inay qaraxyo ismiidaamin ah, dilal qorsheysan iyo falal kale oo ammaanka kasoo horjeeda ka fuliyaan Muqdihso oo ay dowladdu ka taliso.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno badan oo ay ka talinaysay oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ka dalbaday saraakiisha ciidamada inay dhexda u xirtaan sidii looga adkaan lahaa kooxaha ugu yeeray argagaxisada oo uu ku tilmaamay inay yihiin cadowga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya