4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Tartan Kubadda Cagta ah oo Kismaayo lagu soo Gabagabeeyay iyo Kooxihii Kaalimaha hore galay oo koobab la siiyay (SAWIRRO)


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Ciyaar aad u xiiso badnayd oo ahayd ciyaartii kama danbeysta ee koobkii lagu maamusayay wasiirada cusub ee maamulka KMG Jubba isla markaana ay ku tartamayeen kooxaha Farjanno iyo Shaqaalaha ayaa maalintii Jimcaha ee aynu kasoo gudubnay ka dhacday garoonka ciyaaraha kubadda cagta Waamo Studium ee magaalada Kismaayo.

Furitaankii ciyaartaasi ayaa waxa kasoo qeybgalay masuuliyiin isugu jirtay wasiiro iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Jubba, waxaana usoo daawasho tagay kumannaan qof oo dadka reer Kismaayo ah.

Ciyaartaasi ayaa waxa ay kusoo gabagaboowday 4 iyo eber oo ay guusha ku raacday kooxda Farjanno, iyadoo gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose Burhaan Max'uud Xasan (Kukuuyu) uu sheegay in ay sii wadi doonaan tartamada caynkan oo kale ah oo ay u qabanayaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo.

"Waxaan ugu baaqeynaa qurba joogta kasoo jeeda Jubooyinka in ay gacan naga siiyaan taabo gelinta isboortiga gobolka, waad u jeedaa burburka ka muuqda garoonka Kismaayo," ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay xaflad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qeybgaleen wasiiro, madax kale oo ka tirsan maamulka Jubba, ururrada bulshada rayidka, haween, dhalinyaro iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo.

Xafladdan oo koobab lagu gudoonsiinayay kooxda Farjanno ee ku guuleysatay tartanka iyo kooxda Shaqaalaha oo gashay kaalinta labaad ayaa waxa khudbado kala duwan ka jeediyay madax ay kamid yihiin wasiirka arimaha bulshada, Macalim Max’ed Ibraahim, Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max’ed Faarax Warsame Darwiish, Gudoomiyaha degmada Kismaayo C/laahi Qaldaan iyo xubno ka tirsan ururrada bulshada ryidka ah. waxaana dhamaantood ay u hambalyeeyeen kooxda ku guuleysatay tartanka, iyagoo sidoo kale ku  amaanay xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose howsha uu hayo.

Gabagabadii ayay Madaxweeyne kuxigeenka labaad Mudane C/qaadir Max’ed Lugadheere iyo wasiirka arimaha bulshada Macalim Max’ed Ibraahim goobta Koobabab  ku gudoonsiiyeen Kooxda ku guuleysatay tartanka ee Farjanno iyo kooxda kaalinta Labaad gashay ee Shaqaalaha, waxaana sidoo kale bilado la gudoonsiiyay xubno ka tirsan ciyaartooyda iyo madaxda gudiga isboortiga ee gobolka, iyadoo dhanka kale gudiga Isboortigu uu billad sharaf gudoonsiiyay afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo ay ku amaaneen in uu kala qeybqaatay qabsoomidda tartankan.

Inkastoo horumar laga dareemayo isboortiga gobolka J/hoose ayaaa hadana waxa uu burbur xooggan ka muuqdaa garoonka kubadda cagta ee degmada Kismaayo, kaasoo aan lahayn xeyndaab iyo weliba tarabuun ay fariistaan dadweeynaha ciyaaraha usoo daawasha tago, maadaama garoonku uu burbur xooggan soo gaaray mudadii ay dalka ka jireen dagaallada sokeeye.







Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya