4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Madaxa Shirkadda Maamusha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee FAVORI oo sheegay in 50% uu kordhay dakhliga Garoonka


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Madaxa shirkada maamusha garoonka diyaaradaha Muqdidho ee FAVORI LLC, Axmed Cetin ayaa sheegay inuu kordhay 50% (Boqolkiiba Konton) dakhliga kasoo xarooda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

War-saxaafadeed ay soo saartay shirkadda FAVORI ayaa lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin in dakhliga kasoo xarooda garoonka uu si weyn u kordhay saddexdii billood ee ugu horreysay howlgalkooda.

“DowladdaSoomaaliya waxay ka hashay in ka badan $1.1 Milyan oo dakhli tooska ah ee garoonka kasoo gala tan iyo markii shirkadda FAVORI LLC lagu wareejiyay maamulka garoonka diyaaradaha 15-kii September 2013,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saartay shirkadda.

Madaxa shirkadda FAVORI Axmed Cetin ayaa isaguna yiriL “Kororkan wuxuu ka dhigan yahay in ka badan 50% dakhligii dowladda soo gali jiray. Waxaa naga go’an inaan shacabka iyo dowladda Somalia ka taageerno sidii loo sii kordhin lahaa dakhligaas, iyadoo aan dib u dhisi doono garoonka.”

Heshiiskii ay FAVORI kala saxiixatay dowladda Soomaaliya ayaa qeexaya in FAVORI ay dhisto terminalka weyn ee garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo in ay ballaariso goobaha ay diyaaraeduhu istaagi karaan iyo waliba jid cusub oo ay diyaaraduhu ku socdaan, si loo kordhiyo adeegga garoonka. Iyadoo lagu sheegay war-saxaafadeedka inay howshu billaabatay lana filayo in lagu soo gabagabeeyo dhismaha terminaalka cusub bartamaha sannadka 2014-ka.

“Terminaalka cusub wuxuu sii kordhinayaa dakhliga u soo xarooda dowladda 40% dheeraad ah,” ayuu yiri Cetin. “Shirkadda FAVORI waxaa ka go’an inay maal-gashi dheeraad ah sameyso, isla markaana xoojinta ganacsiga Somalia ay gacan ka geysato.”.

Shirkadda ayaa sheegtay inay kusoo dagaan diyaarado afar badan uuna u garoonku hadda u adeego illaa 42 shiradaha diyaaradaha ah. Balse laguma sheegin warsaxaafadeedka tirade diyaaradaha maalin walba garoonka kusoo daga. Iyadoo FAVORI ay sheegtay in tan iyo markii ay la wareegtay howsha garoonka diyaaradaha ay kordheen diyaaradaha kusoo dagaya garoonka.

Shirkadda FAVORI LLC waa mid gaar loo leeyahay oo saldhiggeedu Muqdisho yahay. Adeegyada ay qabato waxaa ugu waaweyn adeegga dayuuradaha iyo maamulka iyo maareynta garoonka diyaaradaha. Waxaa shirkadan maal-gashaday laba shirkadood oo Turkish ah, kuwaasoo kala ah: Cetin Group iyo Kozuva Group, waxaana u shaqeeya illaa 7,000 oo qof, iyadoo shirkaddu ay ku howlgasho sannad walba lacag gaaraysa $170 million oo doollar.

“Hadafka shirkadda waa inay hagaajiso adeegga garoonka weyn ee diyaaradaha Muqdisho, isla markaana soo gaarsiiso heerarka caalamiga ah si ay xiriir adag ugu sameeyaan bulshada caalamka iyo Soomaaliya. Tani waxay keenaysaa fursad lagu qurxiyo lugana taageero dib-u-habeeynta iyo dhaqaalaha dalka,” ayuu Axmed Cetin kusoo gaba-gabeeyay hadalkiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya