4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir oo Oggolaaday inuu Wadahadal la furo ku Xigeenkiisii Hore Riek Machar

President Salva Kiir of South Sudan (R) with then vice-president Riek Machar during a rally in 2010. PHOTO | FILE
Talaado, December 24, 2013 (HOL) Madaxweynaha Koonfurta Sudaan Salva Kiir, ayaa oggolaaday in uu wada-xaajood aan wax shuruud ah lagu xirin la bilaabo ninka ay iska soo horjeedaan ahna madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u jooga dalka Koonfurta Sudan, Donald E. Booth, ayaa sheegay in Madaxweyne Salva Kiir uu ka oggolaaday in uu Riek Machar la bilaabo wada-hadal aysan wax shuroodo ahi ku xirneyn.

“ Madaxweyne Salva Kiir wuxuu iga qaaday ballan ah inuu diyaar u yahay in miiska wada-xaajoodka uu la fariista Riek Machar, iyadoo aysan wax shuruudo ahi jirin...” Doland Booth ayaa yiri.

Wuxuuna intaas raaciyey in uu xabsiga ku booqday siyaasiyiin 11 ah, kuwaas oo ka tirsan xisbiga talada haya balse dhowaan lagu xiray magaalada Jubba, kaddib markii lagu soo eedeeyey in ay qayb ka ahaayeen afgemi dhicisoobay oo Riek Machar uu hormuud ka ahaa.

Riek Machar oo ah ra'iisul wasaarihii hore ee dalkaas, kaas oo dhowaan uu casiley Madaxweyne Kiir, ayaa isagu horay u sheegay in uu diyaar u yahay wadahal ay shuruudo dhowr ahi ku xiran yihiin.

Machar ayaa ugu baaqay dowladda Koonfurta Suudaan in ay sii dayso maxaabiista siyaasadeed ee loo qabtay af-gembigii dhicisoobay, isagoo soo jeediyey in loo ogolaado in ay tagaan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Michael Makuei oo ah wasiirka war-faafinta ee Koonfurta Sudaan, ayaa sheegay in dowladda dalkaasi aysan marna aqbali doonin shardiga uu Riek Machar ku xiray in uu miiska wada-hadalka soo fariisto.

Dadaallo caalami ah oo ku aaddan sidii xiisadda ka taagan dalkaas loo qaboojin lahaa ayaa socda, dadaalladaas oo ay hormuud ka yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Maraykanka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya