4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Qarax khasaare badan geystey oo saaka ka dhacay magaalada Mansuurah oo ku taalla Waqooyiga Waddanka Masar
Talaado, December 24, 2013 (HOL) —  Qarax aad u xooggan ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay xarunta taliska ciidamada Masar ee magaalada Mansuurah ee gobolka Daqahliya.

Qaraxa oo lagu soo warramayo in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaa ku geeriyoodey 14-qof iyadoo in ka badan 100-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa u badan saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada Masar, waxaana dadka qaraxaas sida xun ugu dhaawacmay kamid ah taliyihii ciidamada gobolka Daqahliya Saami Al-miihi.

Ra'iisul wasaaraha Masar Xaazim Biblaawi, oo waxyar kaddib markii uu qaraxaasi dhacay warbaahinta la hadlay, ayaa mas'uuliyadda qaraxaas dusha u saaray ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo sida uu sheegay ah urur argagixiso.

"Ururka Ikhwaanku wuxuu lasoo baxay wejigiisii xumaa, wuxuuna caddeeyey inuu yahay urur daadinaya dhigga dadka Masaarida kana shaqeynaya sidii dalka Masar uu u burburi lahaa..." Biblaawi ayaa yiri.

Dhanka kale, golaha ay ku mideysan yihiin ururrada mucaaradka ee kasoo horjeeda inqilaabka militeriga iyo dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaas laga dhisay -kaddib markii talada laga fara maroojiyey madaxweynihii sida dimuqraadiga ah lagu soo doortay ee Mursi- ayaa weerarkan ku tilmaamay mid waxashnimo.

Bayaan uu goluhu soo saaray, ayaa lagu sheegay in dadka weerarkan fuliyey ay yihiin dambiileyaal calooshood u shaqeystayaal ah, kuwaasoo ay ujeedadoodu tahay in xaaladdu ay faraha kasii baxdo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya