4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Ninkii Sameeyay Qoriga halista ah ee AK-47 Mikhail Kalashnikov oo Moosko ku Geeriyooday isagoo da'diidu ahayd 94-jir


Talaado, December 24, 2013 (HOL)
Waxaa gelinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd isagoo 94-jir ah geeriyoodey Mikhail Kalashnikov oo ah ninkii ikhtiraacay qoriga Kalashnikov-ka (AK-47) oo kamid ah hubka loogu isticmaalka badan yahay dunida.

Sanadkii 1947 ayuu Mikhail Kalashnikov ikhtiraacay qoriga AK-47 oo markaas kaddib noqday qoriga rasmiga ah ee ay isticmaalaan ciidamadii Midowga Soofiyeeti.   

Kalashnikov wuxuu kamid yahay dadka u dhashay Ruushka ee dunida aadka caanka uga noqday, wuxuuna shaqada ka fariistay sanadkii hore ee 2012, markaas oo xanuun dhanka wadnaha ahi uu lasoo darsay.

Mar la weydiiyey sida uu u arko in qoriga uu ikhtiraacay uu galaaftay nolosha malaayiin qof oo ay ku jiraan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, Mikhail Kalashnikov  wuxuu yiri:

"Waxan sameeyey hub si loogu difaaco xuduudaha dalkeyga, khalad kuma lihi in hubkaasi uu tago meel aan loogu tala gelin, siyaasiyiinta ayaa dembigaas iska leh" isagoo sii hadlaya wuxuu yiri "Waan ku faraxsanahay hal-abuurkeyga, waxaanse ka xumahay in si khaldan loo adeegsaday..."

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Mikhail Kalashnikov, wuxuuna sheegay inuu ahaa qof wadani ah aadna u firfircoonaa, kaas oo wax badan u qabtay dalkiisa iyo caalamka oo dhan.

Inkasta oo billado aad u tira badan ay dowladda Ruuskhu siisay, haddana Mikhail Kalashnikov wax lacag ah kama kasbin malaayiin xabbo oo qoriga AK-47 ah oo dunida loo iib geeyey, qorigaas oo ay xilligan isticmaalaan ciidamada in ka badan 80 dal.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya