
Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Waxaa gelinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd isagoo 94-jir ah geeriyoodey Mikhail Kalashnikov oo ah ninkii ikhtiraacay qoriga Kalashnikov-ka (AK-47) oo kamid ah hubka loogu isticmaalka badan yahay dunida.
Sanadkii 1947 ayuu Mikhail Kalashnikov ikhtiraacay qoriga AK-47 oo markaas kaddib noqday qoriga rasmiga ah ee ay isticmaalaan ciidamadii Midowga Soofiyeeti.
Kalashnikov wuxuu kamid yahay dadka u dhashay Ruushka ee dunida aadka caanka uga noqday, wuxuuna shaqada ka fariistay sanadkii hore ee 2012, markaas oo xanuun dhanka wadnaha ahi uu lasoo darsay.
Mar la weydiiyey sida uu u arko in qoriga uu ikhtiraacay uu galaaftay nolosha malaayiin qof oo ay ku jiraan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, Mikhail Kalashnikov wuxuu yiri:
"Waxan sameeyey hub si loogu difaaco xuduudaha dalkeyga, khalad kuma lihi in hubkaasi uu tago meel aan loogu tala gelin, siyaasiyiinta ayaa dembigaas iska leh" isagoo sii hadlaya wuxuu yiri "Waan ku faraxsanahay hal-abuurkeyga, waxaanse ka xumahay in si khaldan loo adeegsaday..."
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Mikhail Kalashnikov, wuxuuna sheegay inuu ahaa qof wadani ah aadna u firfircoonaa, kaas oo wax badan u qabtay dalkiisa iyo caalamka oo dhan.
Inkasta oo billado aad u tira badan ay dowladda Ruuskhu siisay, haddana Mikhail Kalashnikov wax lacag ah kama kasbin malaayiin xabbo oo qoriga AK-47 ah oo dunida loo iib geeyey, qorigaas oo ay xilligan isticmaalaan ciidamada in ka badan 80 dal.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Ninkii Sameeyay Qoriga halista ah ee AK-47 Mikhail Kalashnikov oo Moosko ku Geeriyooday isagoo da'diidu ahayd 94-jir
More News
- Magaalada Baydhabo oo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda oo Maamul goboleedyo aan is-waafaqsanayn lagu dhisayo
- Xildhibaannada Baarlamanka oo diiday Mooshin lagu dalbanayay in is-bedel lagu sameeyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada
- Dowladda Soomaaliya oo soo saartay Amar lagu diiday in gudaha dalka lagu xaso ama lagu Weyneeyo Ciidda Masiixiga
- Shilalka Baabuurta oo ku soo badanaya Muqdisho iyo Shilal Fool xun oo ka dhacay Waddooyinka Caasimadda Qaarkood (SAWIRRO)
- FOWZIYO YUUSUF: “Kumannaan Shacab Soomaaliyeed ah ayaa Ku Xayiran Gobollada Waddanka Koonfurta Sudan" (SAWIRRO)
- Golaha Deegaanka Hargeysa oo Maanta Meel-mariyay Tariifada ay ka Qaadi doonaan Ganacsatada Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)
- Maamulka Hiiraan oo Maanta Agab kala duwan oo Caafimaad ku Wareejiyay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)
- Wasiika Gaashaandhigga Somalia oo sheegay inay kala qaadeen Ciidamadii ku dagaalamay Gobolka Shabeellada Hoose
- Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay oo ka hadlay Doorashooyinka soo socda ee Puntland
- Ciidamada Dalka Koonfurta Sudan oo lagu eedeeyay in ay laayeen boqollaal qof oo kasoo jeeda Qabiilka Nuweer ee Dalkaas
- Hay'adda samafalka ee HARO oo deeq lacageed soo gaarsiisey qoysaskii ay duufaantu cayraysay ee Puntland (SAWIRRO)
- Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay inay Muwaadiniinteeda kasoo saarayso Magaalooyinka Dalka Koonfurta Suudaan
- Culummada Puntland oo ugu baaqay Xubnaha Baarlamaanka Puntland inay ka Fogaadaan Musuq-maasuq iyo nin jeclaysi
- AMISOM oo raalli-galin ka bixisay Dhimashada laba ruux oo Soomaali ah oo mid ka mid ah Gaadiidkoodu ku jiiray Muqdisho
- MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Waxaa is-bar-bar yaalla in Dalkaan ay Al-Qaacida la wareegto ama aan ka adkaanno
- Tartan Kubadda Cagta ah oo Kismaayo lagu soo Gabagabeeyay iyo Kooxihii Kaalimaha hore galay oo koobab la siiyay (SAWIRRO)
- Madaxa Shirkadda Maamusha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee FAVORI oo sheegay in 50% uu kordhay dakhliga Garoonka
- Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir oo Oggolaaday inuu Wadahadal la furo ku Xigeenkiisii Hore Riek Machar
- Xildhibaannada Baarlamanka oo Maanta u codeynaya Guddoomiye-yaasha Guddi Hoosaadyada Baarlamaanka Soomaaliya
- Qarax khasaare badan geystey oo saaka ka dhacay magaalada Mansuurah oo ku taalla Waqooyiga Waddanka Masar