4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2013
Mashruuc lagu dhisayo waddo laami ah oo laga bilaabay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari (SAWIRRO)

Isniin, Dece 23, 2013 (HOL) Magaalada Boosaaso waxaa bilihii u dambeeyey ka soconayey dayactir iyo dhisme lagu wado jidadka muhiimka ah ee magaalada dhex mara.

Waxaana maanta xarigga laga jaray mashruuc hor leh oo laami lagu saarayo mid kamid ah jidadka waaweyn ee magaalada Boosaaso dhex mara.

Jidkan oo isku xira garoonka diyaaradaha iyo dekedda , wuxuu dhererkiisu gaarayaa 1.25km. Munaasabaddii mashruucan lagu daah furayey waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiinta ugu sareeya maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo dadweyne aad u tira badan.

Duqa Degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan, ayaa sheegay in jidkani uu yahay mid muhiim ah, islamarkaana dhismihiisu uu wax weyn ka tarayo sidii bilicda degmada kor loogu qaadi lahaa.

Xasan Cabdalle waxa kale oo uu sheegay, in jidkan oo kamid ah kuwa ugu muhiimsan looguna isticmaalka badan yahay magaalada Boosaaso uu yahay kii shanaad ee la dhiso intii isagu uu ahaa guddoomiyaha golaha deegaanka.

Guddoomiyaha gobolka Bari C/samed Maxamed Gallan, ayaa isna sheegay in mashaariicda noocan oo kale ahi ay yihiin kuwo wax ku ool ah oo ay tahay in la dar dar geliyo, wuxuuna dadka ugu baaqay in si iskaa wax u qabso ah ay uga qayb qaataan.

Masharuuca jidkan lagu dhisayo ayaa qayb ka ah barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG, mashruucaas oo magaalada Boosaaso ay kamid tahay siddeed degmo oo Puntland ka tirsan oo uu ka shaqeeyo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya