4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2013
RECEP TAYYIP ERDOGAN: " waan u hambalyeynayaa ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed"
Recep-Tayyip-Erdogan-006.jpgIsniin, Dece 23, 2013 (HOL) Ra’iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray dhiggiisa dalka Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed.

Erdogan ayaa dhambaalkiisa ku sheegay in Turkigu uu soo dhoweynayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, islamarkaana uu rajeynayo in uu ka shaqeyn doono sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Racep Tayyip Erdogan ayaa dhinaca kale guul u rajeeyey Ra'iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed iyo weliba xukuumadda uusoo dhisi doono, xukuumaddaas oo dhamaalka lagu sheegay in laga filayo inay noqoto mid kasoo baxda waajibaadka loo idmaday, islamarkaana wadashaqeyn dhow la yeelata beesha caalamka.

Ugu dambeyntii wuxuu ra'iisul wasaaraha Turkigu sheegay, in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, mar walbana uu garab taagnaan doono dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ra'iisul wasaaraha cusub ee dhowaan uu soo magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo labo beri kahor ay baarlamaanku codka kalsoonida siiyeen, wuxuu ku howlan yahay sidii uu usoo dhisi lahaa golihiisa wasiirrada.

Madax badan oo caalamka ah oo ay kamid yihiin madaxda dalalka Soomaaliya deriska la ah, ayaa hambalyo lamid ah midda uusoo diray Recep Erdogan waxay usoo direen ra'iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya