4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2013
Madaxweyne Siilaanyo oo hadiyado guddoonsiiyay dhallinyaro tartan suugaaneed ku guuleystey (SAWIRRO)

Isniin, December 23, 2013 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa hadyaddo gudoonsiiyey dhalinyaro ku guulaystay Tartan wacyigelineed oo lagaga hadlayey halista tahriibka oo dhowaan lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

Dhalinyaradda Da’da yar ayaa ku guulaystay tartan loo qabtay da’a yarta Gobolka Maroodi jeex, kaas oo ujeedadiisu ahayd sidii loo dhiiri gelin lahaa hal abuurada soo koraya, iyaga oo hal-abuuradani ku tartamay gabayo loogu talo galay sidii looga wacyi gelin lahaa dhalinta aafada tahriibta .

Tartamayaasha ayaa la sheegay inay ahaayeen 23 qof oo isugu jiray rag iyo dumarba, waxaana kaalinta kowaad gashay gabadh da’yar, taas oo la gudoonsiiyey hadyado dhaqan oo kala duwan.

Hal-abuurada da’da yar ee ku guulaystay tartankan ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey dhiirigalinta uu sameeyey iyo shahaadooyinka uu xafiiskiisa ku gudoonsiiyey.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu shahaadooyin gudoonsiiyey Xarrunta kaydka hiddaha iyo dhaqanka, akhriska iyo qoraalka ee Maxamed Mooge, hadyadaasi  oo ka koobnayd  weelkii ama wiciyadihii qadiimiga ahayd ee ay ka midka ahaayeen Xeedhada, fandhaal, dhiil iyo weel kale oo ka kooban hidihii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa.

Sidoo kale, waxa loo mahadnaqay Abwaaniintii kala reebaysay dhalinyaradan hal abuurka ah, kuwaas oo kala ahaa:

1. Abwaan:  Axmed Saleebaan Bidde
2.    Abwaan: Saxardiid Maxamuud Jebiye iyo
3.    Abwaan: Cali Caateeye.

Si kastaba ha ahaaatee, tartankan waxa ku guulaystay oo kaalinta kowaad gashay   Deeqa Nuux Yoonis,  Xasan Cabdinaasir Cumar oo kaalinta labaad gashay iyo    Yaasiin Muxumed Faaraax oo kaalinta saddexaad gashay.

Barkhad-ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.