4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2013
Hal qof oo ku geeriyooday mudaharaad ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer

Isniin, December 23, 2013 (HOL)-Hal qof ayaa ku dhintay, illaa afar kalana way ku dhaawacmeen mudaharaad  maanta ka dhacay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

Mudaharaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay bedel lagu sameeyey taliyihii gobolkaasi oo dadweynaha magaaladu taageersanaa, isla markaana aad uga xumaaday, taasina waxay keentay inay dadweynihii isku soo ururay boolisku isku dayaan inay kala dareeriyaan taas oo keentay inay rasaastii ay ridayeen qofna ku geeriyooday afar kalana ku dhaawacmeen.

Afartan dhaawacmay ayaa la sheegayaa inay ku jiraan askar ay rasaastu ku gaadhay goobihii ay joogaan, iyadoo qaarkood la sheegay inay dadka ku dhex jireen si ay u dajiyaan,  waxaana lagu dawaynayaa cisbitaalka guud ee magaaladda Burco.

Dadweynaha magaaladda Burco ayaa ka biyo diiday taliyaha la bedelay, kuwaas oo sheegay in cadaalad daro lagu bedelayo, isla markaana wax weyn ka qabtay amniga magaaladda, halka warar kalana sheegayaan inuu mudaharaadkani ka dhashay saamiga xaga beelaha oo beelaha qaarkood tirsanayaan cadaalad daro.

Wariyeyaal ku sugan magaaladda oo aan la xidhiidhay ayaa ii xaqiijiyey dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay mudaharaadkaasi oo mar dhowayd istaagay, kuwaas oo sheegay inay cisbitaalka ku arkaan dhawr qof oo meelo kala duwan rasaastu kaga dhacday.

Si kastaba ha ahaatee, badhasaabka gobolka iyo dhawr wasiir oo uu hogaaminayo wasiirk Xanaanadda xoolaha Dr;Cabdi Aw Daahir oo hawlo shaqo u joogay magaaladda, ayaa wariyeyaasha u sheegay inay mar dhow ka hadli doonaan wixii dhacay iyo khasaaraha inta uu leegyahay, isla markaana ay ku gudda jiraan shirar ay kaga arrinsanayaan mudaharaadkan.

Barkhad-ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.