4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2013
Hay’adda IFRC oo Malaayiin Doollar ugu deeqday dadkii waxyeelladu kasoo gaartay duufaannadii ku dhuftay Puntland

Isniin, Dece 23, 2013 (HOL) — Hayadda  IFRC ayaa diyaarsiay qorshe cusub oo lagu kaalmaynayo dadkii dhawaan ku waxyeeloobay duufaannadii ku dhuftay qaybo ka mid ah deegaanada Puntland gaar ahaan  bishii november ee sanadkan aynu ku jirno,kuwaasi oo siyaabo kala duwan ay waxyeello u soo gaartay.

Warbixin  ay soo saartay The International  Red Cross and Red Crescent  Societies  (IFRC) ayey ku sheegtay in dad gaaraya 23,100 oo qof ay waxyeello daran u gaysatay duufantaasi oo ahayd mid si weyn looga dareemay guud ahaan Soomaaliya.

Hayaddan ayaa sheegay in la diyaariyay  lacag gaaraysa 2.4 Milyan oo dollarka maraykanka ah ,taasi oo laga soo qaaday labo kamid ah dawladaha deeqaha bixiya si loo ballaariyo kaalmada loo baahanyahay.

Goobaha sida daran ay waxyeelladu u gaartay waqtigii duufaantu ay socotay waxaa kamid ahaa degmooyinka Dongoronyo,Bander-Beyla, Xaafun iyo waliba Eyl ,waxaana bur-buray dhamaan adeegyadii bulshada sida goobihii caafimaadka iyo iskuullada.

Maamulka Puntland ayaa horey u shaaciyay in  dad gaaraya 300 oo ruux ay ku dhinteen duufaantii halkaa ku dhufatay,iyagoo  wixii intaa ka danbeeyay dalbanayay gar-gaar lala soo gaaro dadka waxyeeloobay oo u badnaa haween iyo caruur.

“Gar-gaarkan  ay IFRC bixinayso ujeedkeedu waa in marka hore la kaalmeeyo dad gaaraya 3,300  oo qof “ayuu yiri Axmed Aadam oo ah madaxa mashruucan masuulka uga ah Soomaaliya,isagoo xusay in duufaanadaas ay dad badan ku nafwaayeen.

Sidoo kale  mashruucan waxaa ku jirto in guryo loo dhiso dadka la kaalmeynayo si ay uga soo kabsadaan khasaaraha gaaray iyo in la hubiyo sidii ay dadkaas  ku heli lahaayeen biyo caafimaad leh oo ay cabi karaan madaamada ceelashii ay cabi jireen ay meesha ka baxeen.

Ugu danbayntii dad gaaraya 142,380 oo ku kala nool gobollada kala ah Bari iyo Nugaal ayaa la sheegay in waxyeello daran ay soo gaartay, iyadoo si gaar ah loogu xusay warbixinta in  dad gaaraya 1,485 ay waayeen xoolihii ay dhaqan jireen,taasi oo xaaladda ka sii dhigtay mid adag.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]