Murashaxiinta ugu cadcad doorashada madaxtinimada ee Puntland iyo taariikh nololeedkooda oo kooban (SAWIRRO)
Isniin, Dece 23, 2013 (HOL) — Deegaanada Puntland waxaa si xooggan uga socda ololaha doorashada madaxtinimada, doorashadaas oo dhici doonta 8-da bisha soo socota ee January. Musharraxiin 20 kor u dhaafaya ayaa isu soo taagay jagada madaxweynaha, waxaase aad loo hadal hayaa in doorashada uu kusoo bixi doono mid kamid ah afarta musharrax ee kala ah:
C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
Waa madaxweynaha xilka haya ee Puntland, waxaana loo doortay madaxweynaha
Puntland bishii Janaayo ee sanadkii 2009. C/raxmaan Faroole wuxuu ku dhashay
degmada Eyl sanadkii 1945, halkaas oo waxbarashada hoose/dhexe uu ku
dhameystay.
Faroole wuxuu 1985-tii shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda -oo cilmiga
dhaqaalaha ahayd- uu ka qaatay Jaamacaddii Umadda, isagoo heerka labaadna shan
sano kaddib ku qaatay maamulka ganacsiga.
Intii u dhexeysey 1970 ilaa 1986, wuxuu kasoo shaqeeyey bankigii dhexe ee
Soomaaliya, halkaas oo xilal kala duwan uu kasoo qabtay. Burburkii dowladdii
dhexe kaddib wuxuu muddo ku noolaa dalka Australia.
Markii la dhisay Puntland, C/raxmaan Faroole wuxuu wasiirka maaliyadda ka
noqday dowladdii ugu horreysey ee uu madaxweynaha ka ahaa -AHN- C/laahi Yuusuf
Axmed, wuxuu sidoo kale wasiirka qosheynta iyo xiriirka caalamiga ah kasoo
noqday dowladdii uu hoggaaminayey -madaxweynihii isaga xilka uga horreeyey- ee
Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (CADDE).
Janaayo, 2009 ayaa Faroole loo doortay madaxweynaha Puntland, muddo shan
sano ah ayuuna xilka soo hayey. Faroole wuxuu xilligan qayb ka yahay
musharraxiinta ku tartami doona doorashada madaxtinimada ee Puntland oo dhici doonta
8-da bisha Janaayo ee sanadka soo socda 2014.
C/weli Maxamed Cali (GAAS)
C/weli Maxamed Cali (Gaas), waa aqoonyahan bartay dhaqaalaha, wuxuuna ku
dhashay miyiga degmada Gaalkacayo ee gobolka Mudug sanadkii 1961.
1984-kii ayuu ka baxay Jaamacadda Umadda kulliyaddeedii dhaqaalaha.
1986-kii wuxuu deeq waxbarasho ka helay dalka Maraykanka, wuxuuna ka baxay
Jaamacadda Vanderbilt ee ku taalla
Nashville, Tennessee. Gaas wuxuu ahaa ardaygii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee
jaacadda Vanderbilt ka baxa.
Intii u dhexeysey 1980 ilaa 1990, wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay Wasaaraddii
Maaliyadda iyo Dakhliga ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Kaddib burburkii dowladdii dhexe, C/weli wuxuu aaday dalka Maraykanka,
halkaas oo muddo dheer uu ka ahaa bare cilimiga dhaqaalaha ka dhiga kulliyadda
ganacsiga ee Jaamacadda Niagra ee gobolka New York.
Sidoo kale, wuxuu la-taliye usoo noqday hay'ado iyo ururro caalami ah oo ay
kamid yihiin Bankiga Adduunka iyo hay'adda dhinaca horumarinta uu qaabilsan
Qaramada Midoobay ee UNDP
C/weli Gaas, waa ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyey dowladdii kumeel gaarka
ahayd ee Soomaaliya, dowladdaasoo uu hoggaaminayey Madaxweyne Sheekh Shariif,
wuxuu sidoo kale wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah kasoo noqday
xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Farmaajo.
Aug 6, 2013 ayuu C/weli Maxamed Cali Gaas magaalada Addis Ababa kaga
dhawaaqay in uu yahay musharrax ka qayb geli doona doorashada madaxtinimada ee
Puntland, islamarkaana uu u tartami doono xilka madaxweynaha.
Cali Xaaji Warsame
Cali Xaaji Warsame waa aqoonyahan bartay cilmiga dhaqaalaha, wuxuuna
sanadkii 1964-kii uu ku dhashay tuulada Seemade oo hoos tagta degmada Jarriiban
ee gobolka Mudug.
Cali Xaaji wuxuu ka baxay machadkii maamulka iyo maareynta ee SIDAM,
wuxuuna ka qaatay shahaadada bajelorka ee xisaabaadka iyo maamulka, markaas
kaddib wuxuu la shaqo bilaabay shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay.
Burburkii dowladdii dhexe kaddib, Cali Xaaji wuxuu usoo wareegay dhinaca
gobollada Punytland, isagoo sanadkii 1991-kii noqday maareeyihii ugu horreeyey
ee dekedda magaalada Boosaaso.
Sanadkii1999 ayuu shahaadada hanti-dhowrka iyo xisaabaadka (CPA) wuxuu ka
qaatay jaamacad ku taalla dalka Maraykanka. Sanadkii 2003, Cali Xaaji wuxuu
dalka Ingiriiska ku diyaariyey shahaadada master-ka ee dhaqaalaha iyo maamulka.
Hay'ado badan oo hanti-dhowrka iyo xisaabaadka qaabilsan ayuu lasoo
shaqeeyey, waxaana kamid ah hanti-dhowrka guud ee Dubai. Markii ugu dambeysey
Cal Xaaji Warsame wuxuu ahaa maareeyaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis.
Oct 10, 2013 ayuu Cali Xaaji Warsame magaalada Boosaaso kaga
dhawaaqay in uu yahay musharrax ka qayb geli doona doorashada madaxtinimada ee
Puntland, islamarkaana uu u tartami doono xilka madaxweynaha.
Shire Xaaji Faarax
Shire Xaaji Faarax waa aqoonyahan bartay culuumta beeraha iyo xannaanada
xoolaha, wuxuuna ku dhashay degmada Qandala ee gobolka Bari, sanadkii 1955.
Shire wuxuu muddo dheer ku noolaa dalka Imaaraadka Carabta, isagoo 20 sano
muddo ka badan u shaqeynayey wasaaradda caafimaadka ee dowladda Imaaraadka
Carabta.
Tobankii sano ee ugu dambeeyey wuxuu u bayray dhanka ganacsiga, wuxuuna
kamid yahay ganacsadeyaasha caanka ah, sida weynna looga tixgeliyo kuwa
Soomaalida ah ee ka shaqeysta dalka Imaaraadka Carabta.
Nov 2, 2013 ayu Shire Xaaji Faarax magaalada Dubai kaga dhawaaqay in uu
yahay musharrax ka qayb geli doona doorashada madaxtinimada ee Puntland, isagoo u tartami doona xilka madaxweynaha.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya