4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2013
Taliyaha ciidamada Madaxtooyada Puntland oo xaqiijiyey in Garoowe lagu Rasaaseeyey gaariga Murashax Cabdi Daahir Yey

Isniin, Dece 23, 2013 (HOL) Taliyaha ciidamada madaxtooyada ee Puntland Kol. Cumar C/laahi Faroole ayaa xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan kuwa madaxtooyadu ay shalay rasaaseeyeen gaari uu la socdey Murashax Cabdi Daahir Maxamed Yey, oo kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka Puntland.

Kol. Cumar ayaa sheegay in falkaasi uu ahaa mid ku dhacay si khalad ah, maadaama sida uu sheegay ay ciidamadu ka shekiyeen gaariga uu Murashaxu watey oo xawaare sare ku soconayey islamarkaana ay muraayadihiisu madow ahaayeen.

Hal xabbo ayuu sheegay in ay ciidamadu ku rideen kaddib markii wadaha gaariga Murashaxu uu ka madax adaygay in uu gaariga joojiyo " Goob aad loo ilaaliyo ayaa waxa nooga hor yimid gaari xoog u soconaya oo muraayaduhu madow yihiin, cidda wadatana aan la qoon, gaarigii ciidamadu waa joojiyeen waana hakan waayey, hal xabo ayaa la direy"

Taliyaha ciidamada madaxtooyada Punltand oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: " dalka waxaa ka jira kooxo nabad-diid ah, markii aan ogaanay in gaariga dadka la socdaa aysan qoladaas ahayn waan iska sii daynay...xabbada la ridey gaariga ayey dhaawac yar gaarsiisey, waxayna ahayd xabbad saaxiibtinimo"

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa ah mid xilligan si weyn loo adkeeyey, waxaana dhowaan amar kasoo baxay dowladda Puntland lagu sheegay, in murashaxiinta aan loo ogoleyn in ay tikniko badan magaalada lasoo galaan, islamarkaana ilaalada marashaxiintu aanay hub magaalada la dhex mari karin.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya