4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya oo Qoraal Hhambalyo ah Maanta u soo diray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Axad, December 22, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sh. Axmed Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah maanta ka helay dhiggiiisa Itoobiya, Hailemariam Desalegn, waxana warqadda hanbalyada ah ayaa ku aaddan magacaabistiisa iyo ansixintiisa shalay ay baarlamaanku ansixiyeen.

Qoraalka oo ku qoran afka Ingiriiska ayuu ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku sheegay in isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dowladda iyo shacabka Itoobiya uu hambalyo u dirayo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Heilemariam Desalegn ayaa ugu hambalyeeyey dhiggiisa Soomaaliya xilka loo magacaabay, isagoon u rajeeyay inuu ku guulaysto howlaha ballaaran ee horyaalla.

Hailemariam Desalegn ayaa sheegay inuu filayo in hoggaanka C/weli Sheekh Axmed uu sii xoojin doono xariirka saxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan ciidammo ah oo gacan ka siinaya ciidamada dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, inkastoo aysan ciidamadan hadda ka mid ahayn kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Haddaba halkan hoose ka akhriso warqadda hambalyada ah:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya