4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2013
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo Maanta soo bandhigtay Qiimo-dhimis ay ku sameysay Isticmaalka Internet-ka


Axad, December 22, 2013 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa soo bandhigtay maanta qiimo-dhimis ay ku sameysay 3G Internet-ka, kaasoo shirkaddu ay bixintiisa billowday horraantii sannadkan 2013-ka.

Warsaxaafadeed ay shirkaddu soo saartay ayay ku sheegtay in dhammaan macaamiisha shirkadda isgaarsiinta Hormuud loogu bishaareynayaa in qiimo- dhimis ballaaran lagu sameeyey qiimaha isticmaalka internet-ka 3G-ga ah.

Hadaba si aad uga faa’iideysato bundles-ka ama qiimo-dhimista cusub ee internet-ka: Garaac *450# kaddibna ka dooro qiimaha ku qanciya ee aad doonayso inaad ku shubato internet-kaaga.

Shaxda loo dajiyay qiimo-dhimista Intenet-ka ayaa ah sidan:

Ku shubo    $1   doollar oo isticmaal       =      33-MB
Ku shubo    $2   doollar oo isticmaal       =      80-MB
Ku shubo    $5   doollar oo isticmaal       =      200-MB
Ku shubo    $10 doollar oo isticmaal        =      400-MB
Ku shubo    $20 doollar oo isticmaal        =      800-MB
Ku shubo    $25 doollar oo isticmaal        =      1-GB
Ku shubo    $30 doollar oo isticmaal        =      2-GB

Dhammaan qiimo-dhimistan internet-ka waxaad ku iibsan kartaa adigoo isticmaalaya lacagta ku hadalka ee ku jirta mobile-kaaga.

Wixii faafaahin ah ee intaas dheer fadlan booqo xarumaha shirkaddu ay ku leedahay dalka oo dhan ama la xiriir xafiiska adeegga macaamiisha adigoo wacaya: 141/101, sidoo kale booqo website-ka shirkadda: www.hortel.net.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya