4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2013
Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland oo ka hadlay qoraal uga timid Maanta Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland

Axad, December 22, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay inay khalad tahay inay maxkamadda dastuuriga soo farogaliso khilaafka ka jira xeer hoosaadka golaha, maadaama oo ay kala madax banana yihiin, isla markaana aanay jirin wax qodob ah oo la isku qabtay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dawladdu ka koobantahay saddex waaxood oo kala madax banaan, kuwaas oo ah golaha fulinta, golaha sharcidejinta iyo golaha Garsoorka, isla markaana aanay isku xad gudbi Karin.

Sidoo kale, Cirro wuxuu sheegay in haddii xeer hoosaadka goluhu khilaaf ka yimaado ay xallinteeddu u taallo guddida joogta ah, laakiinse madaxtooyada iyo garsoorku toona aanay faraha la soo gali Karin.

Hadalkan ayuu guddoomiyuhu ka sheegay kalfadhigii maanta oo si caadi ah iskaga furmay, waxaanu golaha u sheegay in loo keenay waraaq ka socotay maxkamadda sare taas oo ay ku qorantahay in la hakiyo ansixinta isku shaandheynta lagu sameeyey guddi hoosaadka.

“Maxkamadda dastuuriga ahi kama garnaqi karto xeer hoosaadka golaha, waxaanu xeer hoosaadku sheegayaa haddii la isku qabto xeer hoosaadka waxa la iskula tagayaa guddida joogtadda” ayuu yidhi gudoomiye Cirro oo ka jawaabayey qoraal uga yimid maxkmaadda Dastuuriga

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aanay jirin cid is hortaagi karta go’aan gole, isla markaana dastuurku tilmaamayo arrin kasta wixii lagaga gudbiyo, haseyeeshee maxkamaddu ay ka garniqi karto marka la isku haysto xeerarka dastuurka balse ma soo farogelin karto xeer hoosaadka golaha u yaalla.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka shirgudoonka ayaan wali xal loo helin, isla markaana waxa wali aqlabiyada xildhibaanadda haysta gudoomiyaha, taasina waxay keentay in  aanay labadda gudoomiye ku xigeen oo taageero ka haysta xukuumadda aanay ka soo qaybgali Karin fadhigii maanta. Inkastoo gudoomiyuhu codsatay inay fadhiyada golaha ka soo qaybgalaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland