4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2013
Wafdigii urur goboleedka IGAD uu u diray dalka Koonfurta Suudan oo dib ugu soo Laabtay Xarunta Itoobiya ee Addis Ababa

Axad, December 22, 2013 (HOL) — Madax sare oo ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ,waxaana madaxdan ay safar gaaban  ku tageen magaalo madaxda koonfurta Suudaan ee Jubba.

Ujeedka ay Koonfurta Sudan u tageen ayaa aheyd in ay dhex-dhexaadiyaan dhinacyada uu khilaafka ka dhaxeeyo si loo  helo xal siyaasadeed oo nabad ku soo dabaali kara colaadaha halakeeyay dalkaasi.

Intii wafdigu ay joogeen magaalada Jubba ayay la kulmeen madaxweyne Silva Kiir oo qabiilka Dinka ka soo jeeda iyo haweeneydii uu ka geeriyooday madaxweynihii hore John Gran oo iyadana lagu magacaabo Rebecca Gran, taasoo ka soo jeeda qabiilka Nuwer, isla markaana maalmihii ugu danbeeyay wax ka abaabulaysay xiisadihii dhacay.

Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo hogaaminayay wafdiga booqday Jubba ayaa sheegay in kulamo xasaasi ah ay lasoo yeesheen dhinacyada isku haya halkaa, isla markaana ay ku baaqayaan in wax kasta wada hadal lagu dhameeyo.

Dowladda Soomaaliya waxaa shirkaas uga qayb-galay wasiiradda arrimaha dibadda Fowsiya Yuusuf,iyadoo  kamid ahayd xubnihii ugu fir-fircoonaa ee ka socday urur goboleedka IGAD ee kulamada la qaadanayay dhinacyada is-hayay.

Maalmaha soo socda waxaa wafdiga tagay Jubba laga sugayaa inay xarunta Midowga Afrika iyo tan urur goboleedka IGAD-ba u gudbiyaan warbixin la xiriirta waxyaabihii ay la soo kulmeen iyo sida ugu haboon ee lagu dhamayn karo khilaafka dhiigga badan uu ku daatay ee Koonfurta Suudaan.

In ka badan 500-qof ayaa lagu soo waramaya in ay ku dhinteen dagaallada dhacay sida lagu xusay warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay, waxaa haddana jirta in kumanaan kale oo ay ku xareysan xeryo ay ilaalinayaan ciidamo isku dhaf ah oo ka socda dalalka dariska ah iyo Qaramada Midoobay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]