4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2013
Faahfaahin dheeraad ah oo ku Saabsan Dagaal Ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda ku dhex-maray Degmada Afgooye

Axad, December 22, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dagaal maanta ku dhexmaray degmada Afgooye ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku murmay bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dagaalamay qaar ka mid ah.

Lixda qof ee dhintay dagaalka ayaa saddex ka mid ah waxay ahaayeen dad rayid ah oo deggan xaafado ku dhow halka lagu dagaalamay halka saddexda kalena ay ahaayeen ciidamadii dagaalamay, iyadoo ciidamada AMISOM ay kala dhex-galeen ciidamada uu dagaalku dhexmaray.

“Dadka ku dhintay dagaalka waxaa ku jiray saddex dumar ah oo ay rasaastu ay ugu tagtay guryahooda, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay rasaasta ay ciidamadu dagaalka u adeegsanayeen, xaaladduna hadda way daggan tahay,” ayuu u sheegay Maxamed Cismaan Cali oo la hadlay idaacadda VOA-da.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa intaa raaciyay intii ay rasaastu socotay oo hal saac ahayd uu xirmay jidka isku xira Muqdisho iyo gobollada Koonfureed Soomaaliya, balse markii ay ciidamada kala dhex-galeen ay waddadu dib u furantay.

“Maalmahan waxaa jiray muran dhinaca maamulka ah, waxaana dagaalku uu salka ku hayay muran ka dhashay bar koontarool oo ciidamada ay dirirtu dhexmartay ay ku sugnaayeen, welina way is-hofadhiyaan inkastoo ay ku kala dhex-jiraan ciidamada AMISOM,” ayuu goobjooguhu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Maxamed Cismaan wuxuu sheegay in xaaladda degmada ay tahay mid daggan oo uusan dagaalku wax saameyn ah ku yeelan, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo arrintan ku saabsan oo weli dowaladda kasoo baxay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaallo noocan oo kale ah ay ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaalliya ku dhexmaraan gobollada dalka, iyagoo ku muransan bar-koontarool oo ay gacan ku haynteeda ku dhex-maraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya