4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shacabka Soomaaliyeed ku Dhiirri-geliyay in ay waraaqaha aqoonsiga sameystaan (SAWIRRO)


Axad, December 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xafladdii loo qabtay daah-furka baasaboorrada cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ka sheegay inu shacabka Soomaaliyeed ku dhiirri-gelinayo inay waraaqaha aqoonsiga sameystaan ka hor inta aysan qaadan baasaboorka.

Xafladdan oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, wasiirro, xildhibaanno, dublamaasiyiinta dalalka caalamka qaarkood u jooga Soomaaliya, agaasimaha guud ee hay’ada socdaalka iyo jinsiyada, duqa magaalada Muqdisho, isla markaana ah guddoomiyaha gobolka banadir iyo marti sharaf kale.

Xafladan ayaa lagu daah-furayey baasaboorka cusub (E-Passport) oo ah mid casri ah oo caalamku ictiraafsan yahay, kaasoo horay loo joojiyay bixintiisa si loo sugo in marka hore lasoo qaato warqadaha aqoonsiga shaqsiyadeed.

Taliyaha waxda socdalaka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa sharaxay faa’iidada baasaboorkan cusub, isagoo sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan la bixin karin baasaboor cusub iyadoo shaqsi walba laga doonayo inuu marka hore dowladaha hoose kasoo qaato warqadii dhalashada, warqadii aqoonsiga iyo dhammaan dukumiintiyada muhiimka u ah oo caddeynaya in shaqsigu yahay Soomaali.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, Jen. Gaafow ayaa sheegay in baasaboorka cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ay leeyihiin calaamado dhanka amniga ah oo aan been-abuur lagu sameyn karin.

Guddoomiyaha gobolka banadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay diyaariyeen xafiiskii diiwaan-gelinta oo casriyeysan, isla markaana uu shaqsi walba xaq u leeyahay in loo sameeyo dukumiintiyada muhiimka ah. Suuqa Cabdalla Shideeya waa laga maarmayaa oo dukumiintiyada been abuur lagu sameyn jiray.

Intaa kaddib waxaa isaguna goobta ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo sheegay in dukumiintiyadan muhiimka ah ay wax weyn ka tarayaan amniga dalka oo qof walba uu yeelanayo warqadda aqoonsiga oo caddeyneysa shaqsiga, isla markaana telefoonada iyo dhammaan hay’adaha dowligu ay isticmaali doonaan waraaqahaas.

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo gaba-gabeeyey xafladda daahfurka ayaa ku dhiirri-geliyey shacabka inay sameystaan waraaqaha aqoonsiga oo aad muhiim ugu ah sida uu sheegay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Hay’adaha ku howlan barnaamijkan waa inay shacabka Soomaaliyeed u fududeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen waraaqaha aqoonsiga iyo dhammaan dukumiintiyada ay u baahan yihiin ee muhiimka u ah in shaqsiga sameysan karo baasaboor, isla markaana adeegyadan la gaarsiiyaa dalka oo dhan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo xafladda ka hadlay.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdu ay in muddo ahba ah ku howlanayd sidii qalab casriyeysan loo heli lahaa oo aan ula tartami lahayn caalamka. Sidaas daraadeed shacabka waxaan ka codsaneynaa inay sameystaan dukumiintiyadan muhiimka oo xaqiijinaya Soomalinamada qofka doonaya inuu baasaboorka Soomaaliga qaato.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya