4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2013
Ciidamada Kenya oo Amar lagu siiyay in ay Xoog ku galaan Koonfurta Sudan si ay u soo badbaadiyaan Kenyanka halkaas ku nool

Axad, December 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa amar ku siiyay ciidamada dalkiisa inay xoog ku galaan dalka ay dariska yihiin ee Koofurta Suudaan si ay u soo badbaadiyaan Kenyanka ku nool dalkaas.

Amarkan ayaa yimid kaddib markii xukuumadda Kenya ay sheegtay in laba qof oo Kenyan ah lagu dilay gudaha dalkaas, sidoo kalena lix qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo afar ka mid ah lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Jubba.

Sidoo kale, madaxweynaha Kenya wuxuu amar ku bixiyay in gargaar cunno, dawo iyo biyo isugu jira loo diro dalka Koonfurta Suudaan si loogu caawiyo dadka ay dagaalladu barakaciyeen.

“Ugu yaraan laba Kenyan ah ayaa lagu dilay gudaha Koonfurta Suudaan, lix kalena waa lagu dhaawacay, kuwaasoo afar ka mid ah lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalad Jubba ee xarunta dalkaas,” ayay tiri wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed oo ka mid ahayd wafdi IGAD ka socday oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Koonnfurta Suudaan ee Jubba.

Koonfurta Suudaan ayaa waxaa haatan ku sugan 1,600 oo qof oo Kenyan ah kuwaasoo go’doon ku jira, halka kumannaan kale ay isku dayayaan inay ka soo tallaabaan soohdinta ay wadaagaan Koonfurta Suudaan iyo Uganda.

Sabtidii shalay ayaa diyaarad ay leedahay Kenya oo ay ilaalo ka hayeen laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah waxay toddoba tan oo gargaar cunno ah ay geysay magaalada Jubba ee xarunta dalka Koonfurta Suudaan.

“Howshan gargaarka aan ku geynayno Koonfurta Suudaan waa mid sii socon doonta,” ayuu yri Manoah Esipisu oo ah afhayeenka guud ee madaxtooyada dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in muwaadiniinta Kenyanka ah ay intooda badan ku sugan yihiin magaalada Bor ee gobolka Janglei oo dagaallo culus ay ka socdaan halkaasoo dhawaan ay qabsadeen mucaaradka, ayna ciidamada dowladdu isku dayayaan inay dib u qabsadaan.

Amarka madaxweynaha Kenya uu ku siiyay ciidamada dalkiisa inay xoog ku soo badbaadiyaan Kenyan ku sugan gudaha Koonfurta Suudaan ayaa kusoo beegmaya xilli kooxaha gacanta ku haya magaalada Bor ay diideen inay soo galaan magaaladaas gaadiid ayna yimaadaan diyaaradaha UN-ka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya