4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2013
Dagaal u Dhexeeya ciidammo kawada tirsan kuwa Dowaldda Soomaaliya oo ka Qarxay Degmada Afgooye ee G/Shabeellada Hoose

Axad, December 22, 2013 (HOL) — Iskahorimaad u dhexeeya ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goor-dhow ka qarxay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan halka loo yaqaan mukayga iyo xaafadaha ku dhow.

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay laba qof oo shacab ah, iyadoo ay dhowr qof oo ka tisran dhinacyadii dagaalamayna ay ku dhaawacmeen, waxaana dagaalkan lagu sheegay inuu salka ku hayo is-qabqabsi isbaaro halkaas taallay oo gaadiidka lacago looga  qaadi jiray.

“Sakaay waxaa dagaal uu ka qarxay xaafadaha ku dhow Mukayga, wuxuuna u dhexeeyaa maleeshiyaad hubeysan oo isku haysta isbaaro taallay mukayga Afgooye, taasoo gaadiidka looga qaadi jiray lacago baad ah,” ayuu yiri goobjooge ku nool xaafadaha dagaalku uu ka dhacay saakay.

Inkastoo dhinacyada dagaalamay ay isku adeegsanayaan hubka fudud ayaa haddana waxaa guryaha rasaasta habowga ah ay ku dhacaysaa xaafado ku dhow halka uu dagaalku saakay ka billowday.

Dagaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu habeen ka hor sheegay in ciddii lagu arko iyadoo isbaaro dhigaysa lagu dili doono halka ay isbaarada u taallo.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale, sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan marna ogolaan doonin ruux isbaaro dhigta Muqdisho iyo gobollada dalka, ayna ciidamada amnigu dagaal la geli doonaan kuwa isbaarooyinka ay u yaallaan.

Iska-horimaadka saakay ka billowday degmada Afgooye oo 30-km Koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa wuuxuu imaanayaa xilli maalin ka hor uu joogsaday dagaallo dhowr maalmood ka socday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo salka ku haya muran dhuleed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya