4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2013
Hay’adaha Gargaarka ee ku sugan Baydhabo oo billaabay in lacag iyo xoolo nool ay u Qaybiyaan Kumannaan Ruux (SAWIRRO)


Axmed, December 22, 2013 (HOL) — Xafiiska hay’adda INTERSOS ay ku leedahay Baydhabo ayaa laga billlaabay inay 3-kun oo qof oo isugu jira barakacyaal iyo beeraley ka yimid dhulka baadiyaha ah u qaybiso lacag. Iyadoo qof walba oo ka mid ah dadkan la siisay 130 doollar.

Dadkan ayaa waxay ka yimaadeen deegaannadii ay macluushu ku habsatay sannadkii 2011, iyadoo ay magaalada maalin walba soo gaarayaan dad aad u fara badan oo beeraley u badan oo ka imaanaya deegaannada Baydhabo ku dhow si ay lacago uga helaan hay’adaha samafalka.

Beeraleydan ayaa kasoo tagay beerahooda iyagoo muddo bil ah ku sugnaa degmada Baydhabo, iyadoo hay’adaha ICRC, NRC, KANAVA, HIJRA, NRC iyo kuwo kale oo samafal ah oo Baydhabo ku sugan ay billaabeen inay bixiyaan  lacago ay ku taageerayaan beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada gobollada Bay iyo Bakool.

Sababta keentay in ha’yadaha samaflaka ay lacagaha ku siiyaan qoysaskan gudaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay iyagoo ka baqay in ay aadaan dhulka miyiga ah, maadaama ay deegaannadaas intooda badan gacan ku hayso Al-shabaab.

Dhanka kale, hay’adaha samafalka sida ICRC iyo INTERSOS ayaa waxay ka billaabeen degmada Baydhabo qaybinta xoolo nool oo ari ah, iyadoo tani ay keentay in magaalada ay maalin walba soo galaan boqolaal qof oo maqlay in xoolo nool iyo lacag lagu qaybinayo Baydhabo.

Sheekh Cali Wariishe oo ah Imaam masaajid ayaa hadal uu jeediyay kusoo qaatay howlaha ay Baydhabo kawadaan ha’yadaha samafalka ah, isagoo ku sheegay inay tahay barakicin lahaad iyo ihaano loo geysanayo muslimiinta, waayo buu yiri dadkii beeraleyda ahaa ayaa waxay muddo bil ah joogeen gudaha magaalada Baydhabo iyagoo kasoo tagay beerahoodii.

“Waxaa yaraaday dadka beerahooda abuurta, arrin wanaagsan oo diinta islaamka waafaqsanna ma ahan in haweeenka keliya loo yeero,” ayuu yiri Sheekh Clai Wariishe.

Hiiraan Online, Baydhabo