4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2013
Maayarka Hargeysa oo Amarro kasoo saaray Shaqaalaha Hoteellada ee aan haysan Kaararka Caafimaad iyo dhagaxda… (SAWIRRO)


Sabti, December 21, 2013 (HOL) — Maayarka Magaaladda Hargeysa, mudane C/raxmaan Maxamud Caydiid (Soltelko), ayaa maanta amar ku bixiyey in aanay hoteeladda ka shaqayn doonin shaqaale aan haysan kaadhka caafimaadkooda.

Maayarka ayaa kaadhadhkooda caafimaad siiyey afartankiii  shaqaale ee ugu horeeyey oo ka tirsan shaqaalaha hoteeladda magaaladda Hargeysa, kuwaas oo ku bahoobay urur la yidhaa Barkhad organization oo heshiish wada shaqayn la leh dawladda hoose ee Hargeysa.

“Ururka Barkhad waxay noqdeen ururkii ugu horeeyey ee si dhab ah usoo dhoweyey, waxaana farxad noo ah in afartankii u horeeyey oo loo diray cisbitaalka guud ee Hargeys oo laba maalmood siiyey baadhista shaqaalaha noo keeneen natiijaddii caafimaad, kuwaas oo laga baadhayo cudurada faafa lixdii biloodba mar”ayuu yidhi agaasimaha arimaha bulshadda ee dawladda Hoose Hargeysa Khadar Yuusuf.

Maayarka Hargeysa C/raxmaan Caydiid, ayaa sheegay in la ganaaxayo hoteelka iyo shaqaalaha aan haysan kaadhka caafimaad ee uu ku shaqayn lahaa. “Hudheelka loogu yimaado isagoo shaqaalihiisu lahayn kaadh caafimaad hoteelka waa la ganaaxi doonaa, qofka shaqaalahana waa la ganaaxi doonaa,dhicina mayso inay dib uga shaqeeyaan, ururkan waa ururka kaliya ee aanu u aqoonsanahay inay yihiin ururka xirfadleyda shaqaalaha hoteeladda”ayuu yidhi maayarka Hargeysa C/raxmaan Soltelko.

Dhinaca kale, Maayarka Hargeysa ayaa shacabka  magaaladda Hargeysa ugu baaqay inay ka qaybgalaan iska wax u qabsada lagu dhisayo garoonka xawaadle ee waqooyiga magaaladda Hargeysa, kaas oo deyr balaadhan lagu wareejin doono.

Maayarka ayaa sheegay in dhagxaanta guryaha hortooda la dhigto oo hore loogu digay dadweynaha hor dhigtay ay la wareegi doonaan, isla markaana ku dhisi doonaan Dayrka garoonka Xawaadle ee magaaladda Hargeysa.

“Barritoole laga bilaabo dhagxaanta guryaha horteedda yaalla ee demgadda 26 june gadiidka dawlada hoose way guranaysa cid ay wax ka waydiinaysaa ma jirto, waxaana lagu dhisaysaa dayrka garoonka”ayuu yidhi Soltelko, waxaanu intaas ku daray “ maalinta isniinta waxa gali doonta dufcadi u horaysay  ee iska wax u qabso ku dhisi doonta garoonka oo shirkadihii aanu ka codsanay  mid ka mid ahi Injineeradoodu bilaabi doonaan, waxaana Kuulli  ka noqon doona ciyaartoyga iyo golaha deegaanka”

Sidoo kale, waxa uu maayarku sheegay in maanta la bilaabay jardiimo lagu nasto oo laga hirgalin doono cisbitaalka weyn hortiisa, isla markaana loo samayn doono meel gaadiidku istaagaan oo laga qaado lacag, waxayna noqonay goobtii ugu horeysay ee parking ah oo lacag laga qaado.

Dadweynaha qaar ayaa dhagxaan tuulo guryaha hortooda si ay gaadiidka ugu soo dhowaan, isla markaana wadooyinka cidhiidhi galiya, taas ayaa keentay in maanta amar laga soo saaro dhagxaantaasi.




Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland