4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2013
Deeq lacageed oo Maanta la Gaarsiiyay Bukaannada Dhaawacyada qaba ee jiifa Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Sabti, December 21, 2013 (HOL) — Deeq lacageed oo ka timid jaaliyadda reer Hiiraan ee magaalada London ayaa maanta loo qeybiyay bukaannnada dhaawaca ah ku jira ama jiifa isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarrada gobolka Hiiraan Maxamed Cabdullaahi Buraalle ’’Raaxeeye’’ oo lagu soo hagaajiyay deeqda lacageed ayaa sheegay inay gaarsiiyeen dadka dhaawaca ah ee ku jira isbitaalka magaalada Beledweyne oo sida uu sheegay ay soo food saareen xaalado caafimaad xumo, madaama adeega waqtigan uu bixiyo isbitaalka uu yahay mid hooseeya.

“Lacagtan waxaa soo dirray Jaaliyada Hiiraan ee magaalada London waxaa wakiil ka ahaa C/naasir C/dulle Ciise, cadad ahaan lacagta waxaa ay gaareysay $ 600 oo doolar, qofkiiba waxaa siinay lacag dhan hal Malyan oo  shil Soomaali ah,’’ ayuu yiri Buuraale.

Waxaa uu intaa ku darray in marka laga soo tago dadka bukaanka ah ee jiifa isbitaalka, sidoo kale ay jiraan dad dhaawacyo kala duwan qaba oo ay ku booqdeen guryahooda, islamarkaana gaarsiiyeen deeqda lacageed.

Guud ahaan marka la eego isbitaalka  magaalada Beledweyne oo xiligan ay soo food saartay xaalad dawo yari ah, ayaa waxaa ku jira oo jiifa bukaano kala duwan oo qaarkood la il-darran dhaawacyo soo gaaray.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya