4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2013
Ganacsato Soomaaliyeed oo sheegay in hantidoodii lagu boobay Magaalada Bor iyagana ay ku xareysan yihiin Xero Ciidan


Sabti, December 21, 2013 (HOL) — Ganacsato Soomaaliyeed oo ganacsiyo kala duwan ku haysatay magaalada Bor ee gobolka Janglei ee waqooyiga dalka Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in la dhacay dhammaan hantidoodii, iyaguna ay ku xareysan yihiin xero ay leeyihiin ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan magaaladaas.

Magaalada Bor ayaa waxaa gacan ku haynteeda la wareegay maalmo ka hor mucaaradka taageersan madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machan oo uu khilaaf adag kala dhexeeyo madaxweyne Salva Kiir oo bishii July ee sannadan shaqada ka eryay.

“Waxaan ku xareysannahay xero ciidan oo Qaramada Midoobay ay leedahay, dibadda uma bixi karno, raashin ma doonan karno, hantideennii oo dhanna waa la dhacay,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Soomaailyeed ee ku jira xerada ciidamada Qaramada Midoobay.

Ganacsadahan ayaa intaas ku daray in magaalada Bor ay ku lahaayeen hanti kala duwan sida dukaamo ganacsi, shirkado iyo ganacsiyo kale, isagoo xusay in kooxo hubeysan ay shalay gellinkii dambe illaa xalay dal-dalanayeen.

Sidoo kale, ganacsadahan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay xaalad daran oo dhinaca nolosha ay ku jiraan, isagoo xusay inay cabaan biyo aan nadiif ahayn, wax raashin ah oo ay ku noolaadaanna aysan jirin.

“Hadda tirade Soomaalida ah ee aan ku joogno xerada waxaan gaaraynaa 90-qof, waxaana sidoo kale xerada ku jira dadyow kala duwan oo Itoobiyaan ay ku jiraan, dhammaanteen waan silicsannahay,” ayuu yiri ganacsadahan oo aan magaciisa sheegin.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay inaysan diyaaradi imaan Karin magaalada sidoo kalena aysan jirin wax gaadiid ah oo ka baxaya, wuxuuna hadalkiisa ku daray in saakay la rasaaseeyay saddex diyaaradood oo ay Qaramada Midoobay ay leedahay oo doonayay inay kusoo dagaan magaalada Bor.

Dhanka kale, ganacsadaha oo la weydiiyay inay la hadleen safaaradda ay ku leedahay Soomaaliya dalka Koonfurta Suudaan si meesha looga saaro ayaa sheegay inay la hadleen, balse loo sheegay in safiirkii uu maqan yahay oo aan waxba loo qaban karin.

Magaalada Bor ayaa waxaa laba maalmood ka hor lagu dilay saddex ruux oo Soomaali ah, kuwaasoo ay toogteen kooxo hubeysan oo ka dhacay gaari ay wateen oo noociisu ahaa booyad shidaalka lagu qaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya