4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2013
Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo isku khilaafay isku shaan-dheynta lagu sameeyey Guddi Hoosaadyada

Sabti, December 21, 2013 (HOL) — Golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta cod ku ansixiyey isku shaandheynta guddi hoosaadyadda golahaasi oo khilaaf ka taagnaa, kuwaas oo aanay goobjoog ka ahayn labadda gudoomiye ku xigeen ee golahaasi.

Xoghayaha guud ee golahaasi Cabdirisaaq Ayaanle, ayaa golaha ka hor akhriyey qoraal uu sheegay inuu qoray la taliyaha arrimaha sharciga ee golaha Wakiiladda  Mustafe Maxamed, kaasi oo sheegay in isku bedelka lagu sameeyey guddi hoosaad ka  golaha uu sharci yahay, isla markaana la maray jidkii uu sharcigu tilmaamay, isagoo xusay inuu gudoomiyuhu markii isku shaandeynta uu sameeyey la tashaday labadda gudoomiye ku xigeen.

Fadhigan oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Aqalkaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa u sheegay in qodobka 22aad ee heer hoosaadku tilmaamayo in cod loo qaado, waxaanay xildhibaanaddii golaha joogtay ku meelmarisay cod aqlabiyad ah, waxaana ogolaaday isku shaandheynta 47 mudane, 5 xildhibaan way diideen, waxaana ka aamusay 3 mudane.

Haseyeeshee, waxa kalfadhigan ka maqnaa labadda gudoomiye ku xigeen Md: Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf, kuwaas oo sheegay in aanay sharci ahayn in si juujuub ah loo meel mariyo guddi hoosaadyada, maadaama oo khilaaf ka taagnaa,  waxaanay sheegeen in wixii ka soo baxay fadhigii maanta aanu sharci ahayn.

Labadad gudoomiye ku xigeen ayaa sheegay inay maxkamada dastuuriga u gudbiyeen khilaafka ka taagan isku shaandeynta guddi hoosaadyadda oo ay ku doodeen in xeer hoosaadkoodu tilmaamayo in aan hal mar la wada bedeli Karin guddi hoosaadka, balsé loo baahan yahay marka la isku bedelayo in guddi kasta xubno loo daayo.

“Xeer hoosaadka waxa u sheegayaa gudida in aan mar la wada bedeli Karin, waana qodobka aanu isku haynay”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlayey khilaafka ka taagan isku shaanta gudoomiyuhu sameeyey.

Baashe ayaa isagoo sharaxaya sababta ay uga manqaanyeen kalfadhiga waxa uu yidhi “ waxaanu ku maqnayn maxkamadda dastuuriga ah oo aanu geynay qoraal aanu kaga dalbanayo inay sharciyan eegaan khilaafka golaha ka taagan, maadama iyadu fasiraysa qodobada la isku hayo, gudoomiyuhu wuu diiday in la dhexdhexaadiyo oo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ayaa ku gudda jiray dhexdhexaadinta shirgudoonka, haseyeeshee isaga cidna u joojin, wixii ka soo baxayna sharci maaha”

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka ka taagan isku shaandheynta guddi hoosaadyada, ayaa dib u dhigtay kalfadhiga golaha wakiiladda oo todobaadkii hore furmi lahaa, haseyeeshee iyadoo arrintii xal laga gaadhin ayuu gudoomiyaha golaha Wakiiladdu furay golaha, sidaasna lagu meelmariyey guddi hoosaadyadda.

Isku dheyntan lagu sameeyey guddi hoosaadyada wakiiladda, ayaa waxa cabsi weyn ka qaba xukuumadda, ka dib markii guddida joogtada gudoomiye Cirro  u badiyey xildhibaanadda xisbigiisa WADANI taageera,isla markaana gudoomiye ka noqday xubin ka tirsan xisbigaasi WADANI.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland