4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Bas shil ku galay London oo 32-qof ay ku Dhaawacmeen iyadoo laba ka mid ah dadkaas ay Xaaladoodu daran tahay (SAWIRRO)


Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 32-qof ayay dhaawacyo ka soo gaareen basaska dabaqa ah ee London ka shaqeeya oo maanta barqadii ku dhacay geed ku dhow madxaf ay ku jiraan qalab lagu dagaalamay oo ku yaalla Koonfurta magaalada London ee xarunta Britain.

Booliiska London ayaa sheegay in baska uu ka leexday gaari kusoo beegmay ka hor intii uusan geedka ku dhicin, waxaana dadkii dhaawacmay laba ruux oo ka mid ah la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

"Waxaan saarnaa qaybta sare ee baska, gaarigu si xowli ah ayuu ku socday mar qura ayaan maqlay dad qaylinaya, waxaana ka war helay gaariga oo ku dhacay geed weyn,” ayuu yiri Jesse Fox oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga saarnaa.

Sidoo kale, Fox wuxuu sheegay in dadka dhaawacyadu soo gaareen ay inta badan saarnaayeen qaybta hoose ee baska, isagoo intaas ku daray in dadkii ka badbaaday shilka ay si dhaqso ah uga baxeen albaabbada baska oo si dhaqso ah u furmay markii uu shilku dhacay.

“Gabar 19-jir ah ayaa ka mid ah labada qof ee sida xun ugu dhaawacmay shilka… geedka iyo baska ayay dhex-galeen, nasiib-wanaag waxaa goobta markiiba yimid ciidamada la dagaalama dabka iyo kuwa gumadka deg-degga ah oo markiiba ku guuleystay in labadii qof ay ka saaraan baska iyo geedka dhexdooda,” ayuu Fox hadalkiisa ku daray.

Saraakiil u hadlay booliiska ayaa sheegay in dadka dhaawacmay uu ku jiray askari booliis ah, iyadoo sidoo kale sheegay inaysan weli caddeyn sababta dhabta ah ee keentay in baska uu ku dhaco geedka.

Baska oo lambarkiisu ahaa 59 ayaa waxaa ka burburay wajiga hore, iyadoo shilkan lagu sheegay midii ugu xumaa ee soo gaara basaska London tan iyo markii uu sannadkan billowday.

Shaqaalaha gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee London ayaa sheegay in 25-qof oo ka mid ahaa dadkii dhaawacmay ay markiiba isbitaalka ka baxeen, balse toddoba qof oo ay ku jiraan labadii qof ee sida xun u dhaawacmay ay weli ku jiraan isbitaalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya