4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Kulan ku Saabsan sida ay Suuro-gal ku tahay in Somalia ceelal Shidaal laga qodo oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Cabdullahi Xaydir, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha khayraadka dalka


Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Kulan ay soo qaban-qaabiyeen urur lagu magacaabo, National Civic Forum laguna soo bandhigay baaxadda shidaalka ku jira Somalia iyo sida ay suuro-gal ku tahay in dhawaan lasoo saaro ayaa shalay oo Khamiistii ahayd lagu qabtay magaalada Muqdidsho.

C/llaahi Xaydar oo ah la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha khayraadka dalka oo kulanka ka jeediyay warxbixin faahfaahsan oo uu kaga hadlay sida dalka uu ugu baahan yahay shidaalka ayaa sheegay in inta badan Somalia uu shidaal ku jiro, marka laga reebo goobo yar-yar oo uu sheegay inay ku jiraan macdanno kale oo faa’iido badan leh.

“In Soomaaliya laga baaro shidaal waxay billaabatay sannadkii 1945, iyadoo shirkaddii ugu horreysay oo baaritaan ku sameysana ay ahayd shirkad lagu magacaabo Singular; illaa iyo hadda oo aan ku jirno sannadka 2013-ka weli howlaha baaritaanka shidaalka way socdaan,” ayuu yiri C/llaahi Xaydar oo intaas ku daray in sababihii dib u dhigay in Soomaaliya laga qodo shidaal ay ahaayeen burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalladii sokeeye ee dalku galay.

Sidoo kale, Mudane Xaydar wuxuu sheegay in shirkadihii shidaalka ka baari jiray Soomaaliya xilligii dowladdii dhexe lala xiriiray dhamamantood iyadoo laga codsaday inay dib u billaabaan howlahoodii shidaal baarista, wuxuu xusay inay jawaab fiican ka heleen ay sheegeen inay howlahooda dib uga billaabi doonaan Soomaaliya, marka laga reebo labad shirkadood ee ENI iyo Chevron oo diidday inay howlaheedii baarista shidaalka dib uga billaabaan Soomaaliya.

 

Warbixinta uu soo jeediyay Xaydar ayaa wuxuu ku muujiyay khilaafka u dhexeeya dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku saabsan badda Soomaaliya oo Kenya ay qayb ka mid ah isku-dayday inay qaadato, isagoo muujiyay in intii ay dowlad la’aanta ka jirtay Soomaaliya ay Kenya sameysatay maab aad u qaldan, kaasoo ay ku xalaaleysanayso qayb ka mid ah badda Soomaaliya, waxayna howshan la kaashatay dalal reer galbeed ah sida dowladda Norway.

Xaydar ayaa tusaale u soo qaadatay in xuduudaha badaha calaamka iyo tan Kenya iyo Soomaaliya u dhexeysa uu farqi weyn u dhexeeyo, isagoo intaa ku daray in arrintaas ay gabo-gabo marayso oo ay ku dhow-dahay in Somalia loo ansixiyo, maadaama uusan shaki-geli karin buu yiri badda Soomaaliya.

“Dowlad la’aantii Soomaaliya ka jirtay 22-kii sano ayaa sabab u ah in Kenya ay ku dhiirrato inay isku-daydo inay badda Soomaaliya qayb ka mid ah iyadu sheegato, ayna ka sameyso baaritaanno dhinaca shidaalka ah,” ayuu Xaydar ku sheegay warbixintiisa.

Mar wax laga weeydiiyey mudane Xaydar heshiiskii dowladda Soomaaliya ay la gashay shirakadda Soma Oil and Gas ee dalka Britain bishii May ee sannadkan iyo shirakadii horay wax uga baaray Soomaaliya sida ay u wada shaqeyn karaan. 

Isagoo ka jawaabaya su’aashan ayuu yiri: “Shirakdda Britain laga leeyahay waxaa lagula heshiiyay inaysan wax ka baarin goobihii shirkadihii hore baarista shidaal ay ku sameeyeen, balse ay goobo cusub ka billowdo howlaheeda ku waas uu badandoona dhanka xeebaha ee loo yaqaano (Off Shore Expoloration).”

C/llaahi Xaydar waa aqoonyahan takhasus u leh baaritaanka shidaalka iyo arrimaha la xiriira macdanaha kala duwan ee dhulka hoostiisa ku jira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya