4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya oo warbixiyay safar nabadeed ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ku tageen Jubba


Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya, Tedrso Adhanom oo hoggaaminaya wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD ay ku tageen dalka Itoobiya ayaa ka warbixiyay safarkooda iyo waxyaabaha u qorsheyan.

Tedros Adhanom ayaa sheegay in wafdigooda ay kusoo biireen xubno kale oo ka socda beesha calaamka, kuwaasoo qayb ka noqon doona isku-dayga lagu doonayo in xasillooni loogu dabbaalo dalka Koonfurta Suudaan oo ay ka qarxeen dagaallo ka billowday khilaaf soo dhexgalay madaxweyaha dalkaas, Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Riek Machan.

“Safarka aan ku tagay Jubba waa mid salka ku haya sidii xaaladda dalkaas loo dajin lahaa, isla markaana la isugu keeni lahaa madaxda dalkaas ee uu khilaafku u dhexeeyo,“ ayuu yir Adhanom oo sheegay inuu ku rajo weyn ka qabo in dadaalkooda uu noqdo mid miro-dhala.

Wasiirku wuxuu sheegay inay kulan la qaateen madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit ayna kala hadleen sidii xiisadda loo joojin lahaa balse ma uusan sheegin waxyaabihii ay kala kulmeen, isagoo hadalladiisa ku soo koobayay inay rajo wanaagsan qabaan.

Wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ee gaaray magaalada Jubba ayaa waxay kala yihiin: wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, Suudaan, Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Uganda, iyadoo lagu wado inay dhinacyada oo dhan la kulmaan.

Qaramada Midoobay oo warbixin ay kasoo saartay colaadaha dalka Koonfurta Suudaan ku sheegtay inay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 500-qof, isla markaana ay ku dhawacmeen 800 oo qof oo kale, kuwaasoo aan haysan daryeel caafimaad oo dhamaystiran.

Maalinimada shalay ayay madaxda ururka Midowga Afrika siyaabo kala duwan uga hadleen colaadaha Koonfurta Sudan, iyagoo ugu baaqay in sida ugu dhaqso badan uguna habboon loo joojioy colaaddaas oo ay ku tilmaameen mid laga baqdin qabo in dagaallada socda ay u xuub-siibataan dagaallo sokeeye oo dalkaas ka billowda.

Ururka Midowga Afrika oo mas’uulkooda dhinaca amniga iyo nabadgalyada uu qayb ka yahay ergooyinka ku sugan magaalada Jubba ee doonaya inay xiisadda qaboojiyaan ayaa sheegay inay kaalin buuxda ka gaysan doonto xasilinta dadaallada loogu jiro sidii dalkaas lagu xasilin lahaa.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]