4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
C/KARIIN XUSEEN GUULEED: “Dowladda waxay gobollada lagu dagaalamay u diraysaa Ciidammo Dagaallada Joojiya iyo Waxgarad”


Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ciidammo kala dhex-gala beelaha ku dagaalamay qaar ka mid ah gobollada dalka u diri doonta halkaas, sidoo kalena ay diri doonto waxgarad heshiis dhex-dhiga beelaha dagaalamaya.

Mudane C/kariin Guuleed ayaa shacabka Soomaaliyeed uga baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo sabab u noqon kara colaadaha keeni kara burbur iyo barakac hor leh, kaddib 22-sano oo Somalia ay dhibaatooyin ka jireen.

“Dowladda Soomaaliya waxay qorsheynaysaa inay gobollada ay dagaalladu ka socdaan ay u dirto oday-dhaqameedyo dhexdhexaadiya beelaha iyo sidoo kale ciidammo kala dhexgala beelaha dagaalamaya,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu doonayo in xal waara looga gaaro dagaallada soo laalaabtay ee gobollada dalka qaarkood ka dhacaya.

Wasiirka ayaa sidoo kale, baaq u diray beelaha dirirtu u dhexeyso, isagoo ku sheegay baaqiisa in xilligan Soomaaliya ay u tafa-xaydaray dib u dhis dalka oo dhan laga sameeyo iyo sidii looga gudbi lahaa dagaallo beeleedyadii soo taagnaa muddada dheer, isagoo xusay inaan loo dulqaadan doonin inay ka dhacaan gobollada dalka dagaallo beeleedyo.

“Beelaha dagaalamaya ee walaalaha ah waxaan ugu baaqaynaa inay si aan shuruud lahayn ku joojiyaan xabadda ayna qaataan go’aan ah inaan dib loo soo celin colaadihii ku saleysnaa beelaha,” ayuu wasiirku mar kale yiri.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya, ayaa kusoo beegmaya xilli ay dagaallo beeleedyo khasaarooyin badan geystay oo ay qayb ka ahaayeen ciidamada dowladda qaarkood ay ka dhaceen gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo sidoo kalena ay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ka dhaceen dagaallo beeleedyo khasaare geystay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan hadal uu warbaahinta siiyay ku sheegay in dagaallada gobollada dalka ka socda ay dabada ka riixayaan dad kasoo horjeeda dowladnimada iyo horumarka ay ku tallaabsanayso Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay ka hortagayso dagaallo beeleedyada socda, isagoo sheegay qas-wadayaasha ku lugta leh laga qaadi doono tallaabo adag, sidoo kale, cidii qorshayaasha xukuumaddu ay waddo is-hortaagta ay sharciga la tiigsan doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya