4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Sannad-guuradii 70-aad ee kasoo Wareegtay aasaaska Ciidamada Booliiska oo Muqdisho lagu qabtay iyo Qaraxyo la Maqlay (SAWIRRO)


Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Dabaal-dag lagu xusayay sannaguuradii 70-aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo dabaal-dagga ay ka qaybagleen xubno uu ku jiray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda ayaa ka dhacday dugsiga tababarka booliiska Soomaaliyeed ee Muqdisho, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, inkastoo ay saakay laga maqlay Muqdisiho laba qarax oo waaweyn, kuwaasoo midkood oo dhaawc uu kasoo gaaray askari booliiska Soomaaliyeed uu ka dhacay degmada Xamarweyne.

Sidoo kale, dabaal-dagga waxaa ka qaybgalay saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya, taliyeyaashooda iyo wasiirrada gaashanadhigga iyo arrimaha gudaha amniga qaranka xukuumaddii kalsoonida lagala laabay.

Qaybaha kala duwan ee ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa xuska 70-aad ee aasaaska ciidanka booliiska kusoo bandhigay gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarradooda iyo qalabk ay haystaan, iyadoo xubnihii goob-joogga ka ahaa ay aad ugu riyaaqeen bandhigga ay sameeyeen ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa salaan-sharaf ka qaatay in ka badan 1,500 oo askari oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood tababar kusoo qaatay dalalka Turkiga, Jabuuti iyo kuwo kale.

"Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan ciidanka booliiska Soomaaliyeed meel walba ay joogaan, maadaama ay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ku beegay markii la aasaasay. Waxaan kula dar-darmayaa ciidanka booliiska inay laba-jibbaaraan howsha ay u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal kooban ka jeediyay xafladda.

Ciidamada ka hortagga ka hortagga rabshadaha ayaa munaasabadda kusoo bandhigay sida looga hortagayo dibadbaxyada rabshadaha wata, iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay fardo tababaran oo loogu talogalay in bilicda munaasabadda lagu qurxiyo.

Bishii December 20-keedii sannadkii 1943-dii ayay ahayd markii la aasaasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed, xilligaasoo uu dalku gumeysi ku jiray, iyadoo sannad walba loo dhigo dabbaal-dagyo lagu xusayo maalinta ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo maanta oo kale ku beegan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya