4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Dabbaal-dag lagu Xusayay Aasaaskii Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo Maanta lagu qabtay Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta guud ahaan marka la eego ciidamada booliiska Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u dabaal-dagayaan 70 sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidamada sanadkii 1943-kii, ayaa magaalada Beledweyne lagu qabtay munaasabada lagu maamuusayo qiimaha maanta oo kale ay u leedahay guud ahaan ciidamada booliiska.

Munaasabadda oo si weyn loo soo agaasimay laguna qabtay gudaha saldhigga booliiska magaalada Beledweyne, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka gobolka, xubno ka tirsan dowladda oo uu horkacayay wasiirrka kheyraadka dalka, qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciidamada, taliyayaasha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga  Africa AMISOM odayaal dhaqameed iyo dad ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ciidamada booliiska ayaa soo bandhigay gaado ka cayaar ay siweyn u jecleysteen qeybihii kala duwanaa ee goob jooga u ahaa munaasabada oo qaarkood da’aan marka la eego aan horay u arag munasabad noocan oo kale ah.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ka hadllay goobta ayaa siweyn u amaanay ciidamada booliiska gobolka oo sida uu sheegay mudadii sagaalka bilood ee maamulku  jiray shaqo wanaagsan qabtay, gaar ahaan waxaa uu amaan u jeediyay saraakiisha ciidamada Jabuuti oo sida uu sheegay tababaro kala duwan u fidiyay ciidamada.

Wasiirrka wasaarrada kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed oo hadal ka jeediyay munaasabada loogu dabaal-dagayay 70 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidamada booliiska, ayaa sheegay booliiska ku mid yahay hay’addaha ugu muhiimsan guud ahaan marka la eego hay’addaha dowladda, madaama ay mas’uul ka yihiin ilaalinta nabad-galyada shacabka.

Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa munaasabada ka aqriyay khudbad uu ku faah –faahiyay taariikhda ciidamada oo sida uu sheegay 17-sano ka weyn Qarannimada Soomaaliyeed, madaaama la aas-aaskay 1943-kii, Soomaaliyana ay xornimadeeda qaadatay sanadkii 1960-kii.

Taliyaha ayaa amaanay ciidamada booliiska gobolka Hiiraan oo sida uu sheegay ku soo shaqeeyay daruuf adag oo kala duwan, islamarkaana u dhabar adeygay marxalado hadba is badalayay oo soo food-saaray ciidamada, isaga oo intaa ku darray in xiligan lagu faani karo howlaha ay shacabka u hayaan,

Dhamaan marka la eego khubadihii laga jeediyay munaasabada waxaa ay dhamaantood ahaayeen kuwo ku saleysanaa amaanta, hanblayada iyo bogaadinta ciidamada booliiska, iyaga oo lagu dhiir-galinayay inay labo-jibbaaraan howlaha ay u hayaan bulshad, gaar ahaan sugida ammniga gudaha.

Inkastoo marka la eego ciidamada booliiska Soomaaliyeed leeyihiin taariikhdaas fog, ayaa haddana xiligan guud ahaan ciidamada booliiska Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa heysta caqabado kala gadisan oo is biirsaday kuwaa oo ragaadiyay ama dib u dhac ku keenay howlihii nabad-sugida oo ay bulshada ka sugayeen.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya