4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Munaasabad ay beesha Absuge ku dooratay hoggaamiye dhaqameed cusub oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen xubno ka kala socday odoyaasha dhaqanka, aqoonyahanada, dhallinyarada, culummada iyo wax-garadka jilibka Absuge oo ka mid ah jilibyada Wecaysle, Abgaal ayay ku doorteen nabad-doon cusub.

Nabadddoonkan ayaa la sheegay inuu bedeli doono nabaddoonkii hore ee ay jilibkan uu lahaa, kaaso ay shegeen inay xilkii ka qaadeen.

Munaasabadda lagu doortay hoggaamiye dhaqameedka cusub ayaa waxaa khudbado ka jeediyay xubno k amid ah beesha kulanka yeelatay, kuwaasoo sheegay in nabaddoonkii hore ku takri-falay howshii uu jilibkooda u yahay, taasna ay keentay inay xilkii ka qaadaan oo ay nabadoonka cusub maanta caleemo saartaan.

“Waxaan maanta ku dhawaaqaynaa inaan doorannay nabaddoon cusub oo lagu magacaabo, Daahir Maxamed Cali Casir, waxaana sidoo kale caddeynaynaa inaan xilkii ka qaadnay nabaddoonkii hore, Maxamed Cali Shiddo,” ayay waxgaradkii kulanku ka hadlay sheegeen.

Odayaashan ayaa sheegay inay hoggaamiye dhaqameedka cusub ay kusoo xusheen qodobbo ay ka mid yihiin inuu yahay qof aqoon leh, wax-garadna ah, isla markaana isku xiri kara xubnaha Absuge ee joogo dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waana nabaddoon xog-ogaal u ah xaaladaha beesha.

Ugu dambeyn, waxgaradkii goobta joogay ayaa waxay nabaddoonka cusub kula dardaarmeen inuu dantiisa gaarka ah ka hormariyo danta guud, isla markaana uu dhexda u xirto sidii uu u soo celin lahaa midnimadii Absuge.

Hoggaamiye dhaqameedka cusub, Daahir Casir oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu xilka culus ee la saaray uu u gudan doono si hufan, wuxuuna ballan-qaaday inuu si daacad ah uga soo dhalaali doono xilka lagu aaminay, isagoo ka codsaday odayaasha dhaqanka inay gacan ku siiyaan gudashada waajibka la saaray.





Waxgaradkii doortay nabaddoon cusub ee beesha Absuge, Daahir Maxamed Cali Casir oo tiradoodu ahayd 37-xubnood ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen: 1. Xaaji Maxamed Socdaal, 2. Maxamed C/llahi Raage, 3. Macalin Daa’uud Cumar Maxamuud, 4. Maxamuud Xusen Hilowle (Dhuxulow), 5. Iimaan Maxamud Fiidow, 6. Cabdulalahi Salaad Yusuf, 7. Mowliid Cali Axmed, 8. Max'u ud Xasan Cali, 9. Axmed Maxamed Xuseen, 10. Maxamed Muxudiin Maxamuud, 11. Ibraahim Yuusuf Cali, 12. Maxamed Ciid Ciise, 13. Xuseen Jimcaale Nuur, 14. Saciid Cumar Caseyr, 15. Maxamed Cumar Jimcaale, 16. Saciid Iimaan Afrax, 17. Axmed Xasan Afrax, 18. Caraaye Cabdulle Gadiid, 19. Maxamed Xuseen Xasan, 20. C/ Muuse Cali Casir, 21. Abuukar Muxudiin Siyaad, 22. C/laahi Cumar Xalane, 23. Cumar Socdaal Cilmi, 24. Cabdullaahi Axmed Maxamuud, 25. Cabdi Cumar Hilowle, 26. Muxumud Ibraahim Cosobow, 27. Cumar C/lle Cali, 28. Cabdi Cismaan Ceeldheer, 29. Aadan Cabdi Cadow, 30. C/risaaq Maxamed Waasuge, 31. Siciiid Yusuf Maxamuud, 32. Maxamed Axmed Calasow, 33. Ismaaciil Ibrahim Hilowle, 34. Cabdi Maxamed Xasan, 35. Maxmuud Cumar Casir, 36. C/xakiin Muxudiin Sh. Axmed iyo 37. Cabdullahi Caraaye Cumar,

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya