4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Wafdiga Dowladda Federaalka oo Qodobbo kasoo Saartay Xallinta Colaadda Deegaanka Kabxanley ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne  ayaa sheegay in kulamo iyo wadatashi ay la yeesheen waxgaradka beello ku dagaallamay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan kadib ugu danbeytii go’aan dowladdeed ka gaareen joojinta colaada u dhaxeysa labada dhinac.

Xubnaha ka socda dowladda Soomaaliya oo kooban wasiirro iyo xildhibaanno waxaa hor-kacaya wasiirrka kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed, iyaga oo warbaahinta u sheegay in ilaa 10 qodob ka soo sareen colaada deegaannka Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Qodobada  ay soo saareen xubnaha dowladda u soo xil saartay joojinta colaada ka taagay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan waxaa ka mid ahaa. In la joojiyo xabada. In la kala qaado maleeshiyada labada dhinac. In ciddii lagu arko hub loo aqoonsado danbiile hubkana lagala wareegayo, sharcigana la horkeeni doono. In dib loo dhiso tuulada Kabxanley dib loogu soo celiyo dadkii ka barakacay. In dowladda sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaari doonto dooda iyo muranka ka taagan lahaashaha dhulka leysku hayo iyo qodobo kale.

Xubnaha wafdiga ayaa sheegay in ay tageen deegaannadii lagu dagaallamay soona arkeen khasaaraha ka dhashay dagaallka, kulamana la qaateen sida ay hadalka u dhigeen waxgaradka labada dhinac.

Fulinta qodobadan ayaa la sheegay in loo xil-saaray ciidamada maamulka, AMISOM iyo ciidamada Itoobiya, kuwaa oo talaabo ka qaadi doona cid kasta oo ka hortimaada go’aanka laga gaaray colaada deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada AMISOM Col Cismaan Dubad ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo dhaqan-gallka go’aanka kasoo baxay xubnaha ka socda dowladda ee ku aadan colaadda Kabxanley.

Inkastoo wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ee  ku sugan magaalada Beledweyne sheegeen in ay go’aan ka gaareen colaadda deegaanka Kabxanley, ayaa haddana dhinca kale marka aad eegto la oran karaa lama oga sida uu ku dhaqan-galli karo go’aankan, madaama ay horay u bur bureen hishiisyo dhowr ah oo dhaxmaray waxgaradka labada beeleed.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya