4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Magaalada Jubba oo xasilloon, Dagaallo ka socda Gobollo dalkaas ku yaalla iyo Riek Machan oo diiday inuu la hadlo Salva Kiir


Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Xaaladda magaalada Jubba ee xarunta Koonfurta Suudaan ayaa maanta daggan, iyadoo ganacsiga uu dib u furmay, waxaase jirta cabsi weyn oo la soo daristay dadka ku nool magaaladaas.

Ganacsade Soomaaliyeed oo ku nool magaalada  Jubba oo lagu magacaabo Sandhool oo la hadlay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inay jirto cabsi weyn, inkastoo dib loo furay maanta oo Jimco ah ganacsiga guud ee magaaladaas.

“Magaalada Jubba xaaladdeedu maanta waa wanaagsan tahay, dib ayaana loo furay maanta ganacsiga, balse waxaan maqlaynaa inay dagaallo weli ka socdaan gobollo kala duwan oo dalkan ka tirsan,” ayuu yiri Sandhool oo ku daray hadalkiisa, inay jirto cabsi weyn oo dadka magaalada Jubba ku nool ay qabaan.

Sidoo kale, Sandhool ayaa sheegay in dad u dhashay Koonfurta Suudaan ay qaarkood billaabeen inay ka barakacaan magaalada, iyagoo kusii jeeda qaar ka mid ah dalalka ay dariska yihiin ee Uganda iyo Suudaanta weyn.

Wararka laga helayo Koonfurta Sudan ayaa waxay sheegaan in kooxo aad u hubeysan ay weerareen xalay saldhig ay ciidanka nabad-ilaainta Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin duleedka magaalada Bore ee gobolka Jonglei lagu dilay saddex ka mid ah ciidamadaas oo kasoo jeeda dalka Hindiya.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obma ayaa sheegay inay walaac xoog leh ka qabaan in dagaallada ka socda Koonfurta Suudaan ay isku bedelaan kuwo qabiil uuna dalkaas dib ugu laabto maalmihii foosha xumaa ee uu soo maray, isagoo ku baaqay in si dhaqso ah lagu joojiyo.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenkii hore dalka Koonfurta Sudan, Riek Machar oo xalay fiidkii hadlay ayaa sheegay inuu wax wadahadal ah la furi doonin madaxweynaha dalkaas Salva Kiir oo uu ku eedeeyay inuu yahay kaligii-taliye doonaya inuu xukunka dalkaas isku koobo, iyaguna aysan taas ogolaan karin.

Xarunta dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ku sugan wafdi ururka IGAD ka socda oo ay ku jirto wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowziyo Yuusu Xaaji Aadan, kuwaasoo isku dayaya inay dhex-dhexaadiyaan Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Riek Machar, balse waxay u muuqataa inaysan ku guuleysan doonin dhexdhexaadinta maadamaa madaxweynihii hore oo ka baxay magaalada caasimadda ah uu diiday inuu la hadlo madaxweyne Kiir.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Salva Kiir uu ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la furo ku xigeenkiisii hore oo uu horay ugu eedeeyay inuu qorsheeyay weerar afgambi oo fashilmay.

Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa billaabay inay muwaadiintooda kala baxaan dalka Koonnfurta Suudaan, waxaana maanta barqadii ka duushay magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan diyaarad sidda muwaadintii dalka Mareykanka u dhashay oo dalkaas ku noolaa.

Waddanka Koonfurta Suudaan oo xorriyadiisa ka qaatay sannadkii 2011 Suudaanta weyn ayaa u muuqda inuu galay colaado beelo ku saleysan, taasoo walaac xooggan gelisay dalalka Bariga ku yaalla ee ay dariska yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya