4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Maamulka KMG Jubba oo kulan la yeeshay Wakiillada Hay'adaha Samafalka iyo kuwa Caalamiga ah ee ka Howlgala Kismaayo

Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Maamulka KMG-ka ah ee Jubba ayaa maanta isugu yeeray wakiilada hey'adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgala degmada Kismaayo, waxaana ujeedada kulankani ay ahayd mid ururradaaasi lagu amrayay in ay isdiiwaangeliyaan islamarkaana la shaqeeyaan maamulka.

Kulanka maanta lala yeeshay ururrada samafalka iyo hey'adaha caalamiga ah ee ka howlgala magaalada Kismaayo ayaa waxa kasoo qeybgalay masuuliyiin ay kamid yihiin:

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max'ed Warsame Faarax (Darwiish), Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax, Wasiirka beeraha, xoolaha iyo Kalluumeysiga Prof. Max'ed Aadan Jaamac, Guddoomiyaha degmada Kismaayo C/lahi qaldan iyo madax kale.

Uru horeyn waxa goobta ka hadlay afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax, wuxuuna ku wargeliyay hay'adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ah in ay isa soo diiwaangeliyaan.

Sidoo kale masuuliyiintii goobta ka hadashay waxaa kamid ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max'ed Warsame Faarax (Darwiish), waxa uuna ku wargeliyay hay'adaha samafalka in laga bilaabo maanta ay si toos ah uhoostagi doonaan wasaaradda arimaha gudaha, isaga oo intaa ku daray in ay isa soo diiwaangeliyaan laga bilaabo maalinta berito ah.

Intaa kadib ayaa waxa loo qeybiyay wakiilada hay'adaha maxalliga ee ka howlgala gudaha magaalada Kismaayo iyo kuwa caalamiga ah wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubba Jen. C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

HOOS KA AQRISO WAREEGTADA:

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya