4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Guddoomiyaha Gobalka Bay oo Dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo iyo ka socda Jubbada Hoose oo isla Magaalada gaaray


Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobalka Bay, Cabdi Aadan Hoosow ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo, kaddib markii uu dib uga soo laabtay arrimo caafimaad oo uu dalka dibaddiisa ku aaday.

Xubnihii soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Bay ayaa waxaa ka mid ah taliska qaybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka, Jen. Ibraahim Yarow iyo mas’uuliyiinta heer iyo heer degmo ee gobolka Bay.

Maalamaha ayaa maamulka gobalka iyo kan degmada ay u kala qaybsanaa laba garab oo kala taageersan maamul u sameynta lixda gobol ee Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya iyo kuwo taageersan maamul u sameynta saddex gobol oo ah qorshe u wato Shariif Xasan.

Guddoomiye ku xigeenka gobalka Bay, Shiine Macallin Nuurow ayaa ka hor-imaaday habsami u socadka shirweynaha isagoo taageeray fikradii uu wato Shariif Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah in la sameeyo maamul gobaleed saddexda gobol.

Lama oga fikirka Cabdi Aadan Hoosow, balse wuxuu horay u taageersanaa shirweynaha maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, iyadoo maanta ay sidoo kale Baydhabo tageen ergooyin ka socda gobolka Jubbada Hoose oo shirka ka qaybgalaya.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo sidoo kale ay ilaaliayaan ammaanka guud ee xarunta uu ka socdo shirka maamul u sameynta lixda gobol ee ADC-da Badhabo.


Hiiraan Online, Baydhabo