4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Itoobiya oo Shaacisay in ay Shan Ruux u Qabatay isku-day lagu Doonyay in lagu Weeraro Ciyaar ka dhacaysay Addis Ababa

Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay u qabatay shan qof weerarro qaraxyo ah oo la doonayay in lagu qaado ciyaar kubadda cagta ahayd oo dhexmaraysay xulkooda iyo xulkka Nigeria bishii Oktoobar ee sannadkan.

Qorshaha weerarkan ayaa fashilmay kaddib markii laba qof oo Soomalai ah ay ku qaraxday ayna dishay bam ay ku farsameynayeen gurigooda oo ku yaalla xaafad ay aad u daggan yihiin Soomaalida ku nool Addis Ababa oo lagu magacaabo Bole.

Hay’adda nabadsugidda dalka Itooboiya (NISS) iyo booliiska dalkaas ayaa warbixin wadajir ah oo ay soo saareen ku sheegtay in labada qof ee dhintay ay ahaayeen Soomaali xiriir la leh Xarakada Al-shabaab oo ka dagalaanta gudaha Soomaaliya.

“Waxaa la qorsheynayay in bambaanada la geliyay halka ay dadka intooda badan ku ururayaan oo laba qaybood ah, kaddibna ay gudaha u soo galaan garoonka oo ay qaraxyada fuliyaan,” ayaa laga shaqeegay mid ka mid ah Telefishinnada dalka Itoobiya.

Labada ruux ee dhintay bishii Oktoobar waxay dhimashadoodu timid xilli aad loo adkeeyay ammaanka guud ee Addis Ababa, iyadoo kooxaha la qabtay ay u sheegeen hay’adaha ammaanka Itoobiya iyo labada qof midkood lagu xiri lahaa waxyaabaha qarxa, mid kalena uu geli lahaa garoonka halkaasoo ay ku fulin lahaayeen weerarkooda.

Saraakiisha booliiska Itoobiya ayaa sheegay in shantan qof lagu helay bam kuwa gacanta ah, baaritaan dheer oo lagu sameeyay kaddibna la ogaaday in ay qayb ka ahaayeen labadii qof ee bamku kula qarxay Addis Ababa.

Warsaxaafadeedka laguma sheegin xilliga lasoo qabtay eedeysanayaashan iyo halka lagu hayo midna, waxaase lagu xusay in baaritaanno dheeraad ah lagu hayo shantan ruux.

Dowladda Itoobiya ayaa sannad ka hor ciidamadeeda milateriga ah u dirtay gudaha Soomaaliya si ay gacan uga siiyaan dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab oo xilligaas ka talinaysay inta badan gobollada Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay weerarayso dalalka ay ciidamadu kaga suan yihiin Soomaaliya oo ay Itoobiya ku jirto, inkastoo kooxdan aysan sheegin inay iyadu ka dambeysay qaraxii bishii Oktoobar ka dhacay Addis Ababa.

Maaxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya