4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Dacwad-Oogaha Maxkamadda caalamiga (ICC) oo codsatay in dib loo dhigo dhagaysiga dacwadda Madaxweynaha Kenya

ICC Prosecutor Fatou Bensouda. Photo/FILE
Jimco, December 20, 2013(HOL) - Dacwad soo oogaha maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka Fatou Bensouda ayaa codsatay in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada ka dhanka ah madaxweynaha  dalka Kenya Uhuru Kenyatta kadib markii ay markhaatiyaashii ka noqdeen inay ku markhaati-furaan dambiyada loo haysto.

Qoraal ay soo saartay ayay ku sheegtay inaysan suuragal noqonayn inay sii wado dhagaysiga dacwada loo haysto Uhuru Kenyatta iyadoo tilmaantay inaysan hayn cadayn ku filan.

Waxaana ay sheegtay inay go'aankan qaadatay kadib markii mid kamid ah markhaatiyaashii uu diiday inuu dambiga ku cadeeyo Uhuru Kenyatta halka mid kalana uu sheegay inuu sameeyay markhaatinimo been abuur ah.

"Kadib markii aan si taxadar leh u tix galiyay ka noqoshada labo markhaati oo dambiyada ku cadayn lahaa Mr. Kenyatta waxaa ii soo baxday in cadaynta aan hayno aysan ku filnayn heerka loo baahanyahay marka dacwad la qaadayo" ayay ku tiri qoraal ay soo saartay.

"Sidaa daraadeed waxaan u baahanahay wakhti dheeri ah si aan u soo helo cadaymo buuxa amaba aan u qiimeeyo in cadaynta aan haynaa ay tahay mid ku filan in maxkamadu ay dhagaysato dacwadan" ayay sii raacisay.

Fatou Bensouda ayaa sheegtay inay ka go'antahay xaqiijinta in cadaalad ay helaan dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay rabshadihii daba socday murankii doorashadii Kenya ka dhacday 2007-dii taasoo ay ku naf waayeen dad kor u dhaafaya 1000 qof ayna ku guryo beeleen tobonnaan kun.

Dawlada Kenya ayaa bilihii ugu dambeeyay qaaday tallaabooyin diblamaasiyadeed oo ay wadamada reer galbeedka ay kaga dhaadhicanayso in la hakiyo dacwadaha ka dhanka ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto oo labaduba wajahaya dacwado ay kamid yihiin inay ku lug lahaayeen gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dhacay xilligii ay rabshaduhu socdeen kuwaasoo gaarsiisan dambiyo dagaal.

Waxayna dawlada Kenya sheegtay in ay dagaal kula jirto kooxaha loo yaqaan argagixisada islamarkaana aysan suuragalayn inay madaxda dambiyada loo haysto ay tagaan dhagaysiga dacwadahooda.

Tan iyo markii ay ku guulaysteen labada hogaamiye ee ugu sarreeya Kenya doorashadii dhacday 2013-kii ayaa waxaa isa soo tarayay markhaatiyaasha ka noqonaya inay ku markhaati-furaan dacwadaha loo haysto taasoo dhabar jab ku noqonaysa maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya